SOMALILAND oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda ka taagan SANAAG

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Ceerigaabo, taas oo u dhexeyso ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in kooxo cadow ku ah bulshadu ay ku howlanyihiin dhibaatada ka taagan halkaasi.

Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in ujeedka uu yahay in la’iska horkeeno bulshada halkaasi deggan iyo Somaliland

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale baaq loogu diray shacabka oo laga dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca koonfurta gobolka Sanaag.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxo abaabulan, oo ay sheegtay inay halis ku yihiin nabad-geylyada.

Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa si adag uga hadashay xiisaddan, waxayna Somaliland ku eedeysay inay dagaal ka hurineyso magaalada Ceerigaabo, ayna ku dishay dad shacab ah.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa soo saaray warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay halkaasi.

“Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen golaha wasiiradu.

SSC-Khaatumo  ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

Ugu dameyn golaha ayaa faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland.