SOMALILAND oo shaacisay dilka 68 QOF (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Somaliland oo soo saaray warbixin xasaasi ah ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dambiyadii cuslaa ee sanadkan 2024-ka ka dhacay guud ahaan deegaannada maamulkaasi.

Warbixintan oo loo gudbiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa tirada dambiyada dhacay sanadkan lagu sheegay 28,418 kiis oo ah guud ahaan deegaannada Somaliland.

Booliska ayaa warbixintaan diirrada lagu saaray dhacdooyin kala duwan oo dhacay sida dilalka, kufsiga, khasaaraha shilalkabaabuur iyo caruurta lasoo tuuray.

“Tirada guud ee danbiyadu waxa weeye 28,418 danbi, markii la baadhay 4,842 ayaa caddaanwaayay, 10,840 ayaa heshiis ku dhamaaday, inta baadhis ku jirta waa 860, inta maxkamadadi go’aan ka gaadhay waa 11,876,  inta xukun ku dhacay waa 10,676, waxa gar suge ah 1,200” ayuu yiri taliyaha hawlgalinta booliiska oo warbixin siinayay Muuse Biixi.

Dilalka sanadkan ka dhacay Somaliland ayay warbixintu ku sheegtay illaa 68 qof, waxaana loo soo qabtay 62 eedeysane, halka ay baxsadeen 6 kale.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in tirada kufsiyada dhacay ay yihiin 321, kuwaas oo ay galeen 343 eedeysane, oo ay ka mid ahaayeen ilaa 10 kufsi wadareed, ayada oo lasoo qabtay 270 eedaysane, halka ay baxsad yihiin 73 kale.

Shilal gaari ee dhacay ayaa gaaraya illaa 7,18 shil  oo sababay dhimashada 188 qof iyo dhaawaca 4,454 qof, halka waxyeelada gaadiidka soo gaartay ay dhan tahay 3,525, waxaa sidoo kale jira 528 neef oo xoolo ah oo uu khasaare kasoo gaaray shilalkaasi.

Ugu dambeyn waxaa warbixinta lagu xusay in la diiwaangeliyay  20 caruur ah oo la tuuray, kadibna lasoo helay, kuwaasi oo 12 kamid ah la geeyay goobaha caruurta lagu xanaaneeyo.