Somaliland oo sheegtay in natiijo aan laga gaareyn wada-hadallada DF iyo Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo ka hadashay wada-hadallada maalmihii lasoo dhaafay Ankara ku dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee natiijo la’aanta kusoo idlaaday ayaa sheegay in wadadaas aan wax looga qaban karin xaaladda taagan.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Barwaani ayaa sheegay in Itoobiya aysan aheyn cidda wax bixisay ee ay tahay Somaliland, sidaas darteedna lagama maarman tahay in lala hadlo Somaliland haddii walaac laga qabo heshiiska badda.

“Waxaanu u aragnaa in xalka meel aanu ku jirin laga dayayo, hadii xalka meel aanu ku jirin laga dayana waligeed lama gaarayo,” ayuu yiri Barwaani oo la hadlay idaacadda BBC.

Waxa uu intaas kusii daray “Somaliland iyada ayaa Itoobiya heshiis la gashay, iyada ayaa degan oo maamusha badda cas iyo gacanka. Marka inta Soomaaliya ay Itoobiya la hadlayso waa in ay Somaliland la hadasha, waayo anaga ayaa heshiiska galnay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay heshiis ka gaari karin ama wax is-fahan ah arrimaha gacanka cadmeed iyo badda Cas, oo uu ku dooday inay si toos ah u maamusho Somaliland, una madax-banaan tahay, wallow uu taasi caalamka u aqoonsaneyn.

Barwaani oo wax laga weydiiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Jabuuti ku dhex-maray daba-yaaqadda sanadkii hore ayaa eedda dusha ka saaray dowladda dhexe, oo uu sheegay inay ka been abuuratay heshiiskaasi, ayna sheegtay in midnimo lagu heshiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda Soomaaliya iyadaa ka baxday heshiiska oo sheegtay in midnimo lagu heshiyya, sida si lamid ahna horey waxay Soomaaliya uga baxday dhamaan heshiisyadii la gaaray wada-hadalladdii hore ee labada dhinac.”

Wasiiradda arrimaha dibada ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan isugu tegay dalka Turkiga ayaa wada-hadallo ay Ankara ku yeesheen ku kala kacay, ayada oo dowladda Turkiga sheegtay in markale la isugu soo laaban doono bisha September ee sanadkaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa meel adag iska taagay qadiyadda madax-banaanida dalka, iyada oo diiday in dabac ka muujiso go’aankeeddii ahaa in marka hore ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland, taasi oo weli xukuumadda Abiy ay ka meer-maareyso.