Somaliland oo si jees-jees uga jawaabtay fursada Xasan uu usoo bandhigay Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalkii shalay uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku shaaciyay in uusan Itoobiya u diidaneyn badda Soomaaliya, balse uu diidan yahay wadada ay u mareyso.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in Itoobiya aysan isku haysan inay hesho bad, balse ay isku hayaan sida ay ku gaareyso badda ay rabto, taasi oo uu sheegay inay ku heli karto oo keliya haddii ay soo marto wadada sharciga ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadalka madaxweyne Xasan si u muuqata jees jees uga jawaabay ayaa sheegay in aysan suurta-gal aheyn dalabka uu madaxweynaha u gudbiyay Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Xasan Sheekh aanay gacanta ugu jirin deked aan ka aheyn midda Muqdisho, taasina ay aad ugu fog tahay Itoobiyaanka, sidaas darteedna aysan laheyn deked u dhow Itoobiya oo ay heshiis kula gali karto.

“Xasan Sheekh Maxamuud weli ma fahmin, is-fahanka Itoobiya iyo Somaliland kaliya kuma saabsana dekeddo, laakiin halka ay dekeddu ku taalo iyo gaaritaankeeda ayuu ku saabsan yahay,” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.

Waxa uu intaas kusii daray “Xitaa hadii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa dekedda keliya ee uu maamula waa dekedda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya.”

Inkasta oo Somaliland ay tahay maamul ka tirsan Soomaaliya, haddana dowladda federaalka wax awood ah kuma laha gudaha Somaliland, marka laga imaado siyaasadda arrimaha dibadda, taasi oo dowladda Xasan ay dagaal adag kula gashay Itoobiya kadib heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Somaliland ayaa ku doodeysa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan heshiis kula gali karin dekeddaheeda dowladda Itoobiya, kadib hadalka kasoo yeeray shalay madaxweyne Xasan Sheekh, oo dabac diblumaasiyadeed ka muujiyay xiisadda salka ku haysa badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya.