Somaliland oo sii fogaatay iyo waxa ka socda magaalada Hargeysa oo fajiciso noqday

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo muddo ka badan 30 sano u dhaqmeysay sidii dal madax-banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa hadda sii fogaatay, iyada oo god dheer uu ku dhacay wada-hadallo iyo isu soo dhawaansho labada dhinac ah waa dowladda dhexe iyo Somaliland.

Somaliland oo horraantii sanadkaan la xiratay Addis Ababa oo ay ka aragtay danteeda iyo wixii ay 30 sano raadineysay ayaa 1-dii Janaayo la saxiixatay heshiis ay Addis Ababa uga beddelanayso aqoonsi, halka Somaliland ay siineyso ama sida ay ugu yeertay “kireynayso” qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana dhaca xeebaha gacanta ku hayso Somaliland.

Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa looga heeso “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”.

Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah.

Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka.

Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore.

Somaliland oo Arbacaddii u dabaal-degtay xuska 26-ka June ayaa waxay madaxdeedu sheegeen in Somaliland iyo Itoobiya ay labadaba ka go’an tahay fulinta heshiiska, kaasi oo ay sheegeen inuu Somaliland u horseedi doono “aqoonsi iyo horumar.”

Isku soo wada duubo, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad diblumaasiyadeed xooggan oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayada oo sidoo kale qaar badan oo kamid ah urur-goboleedyada caalamka ay ganafka ku dhufteen heshiiskan ay Itoobiya ku dooneyso rumeynta riyadeeda badda.