SOMALILAND oo war culus kasoo saartay dhaqan-galka heshiiskii badda ee Itoobiya

Nairobi (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war culus kasoo saartay heshiiska badda ee ay horraantii sanadkan la gashay Itoobiya, kaas oo dhaliyay xiisad u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, isla markaana la dhaqan-geli lahaa.

Go’aankan ayaa wasiirka wuxuu is toos ah ugu wargeliyay xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay qoraalka.

“Wasiirka arrimaha dibadda Dr Ciise Kayd ayaa maanta ka warbixiyey xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan. Waxa uu ku wargeliyay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu dhammaaday, isla markaana uu dhow yahay in loo beddelo heshiis sharci oo rasmi ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda kasii dartay iyo arrinta Masar, isaga oo sheegay inay walaac ka qabaan ciidamada Masar ee la keenayo.

Ciise Kayd ayaa xusay dhaq-dhaqaaqa ay haatan bilowday Masar ay colaad horleh ka hurin karto gobolka Geeska Afrika, arrintaas oo halisteeda leh.

“Wasiirka waxa kale oo uu diblumaasiyiinta caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan u sheegay walaaca dowladda Somaliland ka qabto ciidamada Masar ee la soo dhoobay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka geysta colaadaha mandaqada.”

Tallaabada Somaliland ayaa uga sii dari kartay xiisadda, maadaama weli dowladda federaalka ay diidan tahay heshiiska baddaa, waxaana fashilmay laba shir oo ay Addis Ababa iyo Muqdisho ku yeesheen Turkiga, waxaana hadda loo ballansan yahay kulan 3-aad.