Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay heshiiska Itoobiya, kuna dhowaaqday…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war cusub kasoo saartay heshiiskii sharci darrada ahaa ee ay la gashay dowladda Itoobiya, kaasi oo Addis Ababa loogu gacan gelinayo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaasi uu marayo meel wanaagsan, isaggoo tilmaamay in dhaqan-galka heshiiskan ay kasoo horjeedan labada dal oo keliya oo ah Soomaaliya iyo Jabuuti, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in urur-goboleedka IGAD uusan kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, xilli ay ururada gobolka iyo caalamkaba si adag uga horyimaadeen heshiiskaasi, una caddeeyeen madax-banaanida iyo qarranimada Soomaaliya.

“Heshiiska innaga iyo Itoobiya, adduunyada waxa kasoo horjeeda dalka Soomaaliya, sidoo waxaa kasoo horjeeda madaxweynaha Jabuuti (dalka Jabuuti). Dal kale oo kasoo horjeeda maleh, toddoba dowladood ayaa IGAD laysku yiraahda, mid qudha oo leh heshiiskaasi waa xaaraan ma jirto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in Abiy uu shirkii Shiinaha iyo Afrika uu ka sheegay in heshiiskan uu soconayo, wallow uu Shiinaha oo saaxiib la’ah Soomaaliya uusan ku faraxsaneyn is-afgaradka, waxa uuna sheegay in aanay ka hadal.

Somaliland oo weli ku dhagan heshiiskii horraantii sanadkan ay magaalada Addis Ababa ku saxiixdeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa isku dayeysa inay iib-geyso in uusan caalamka kasoo horjeedin heshiiskan oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd uu sheegay in la gaaray waqtigii dhammeystiri lahaa heshiiska, lana dhaqan-geli lahaa, isaggoo diblumaasiyiinta caalamka ee ku sugan Hargeysa ku wargeliyay middaasi.

Heshiiskan ayaa xiisad xooggan ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo ay tiraba fashilmeen laba wada-hadal oo Ankara ku dhex-maray labada dal, sidoo kalena uu dib u dhac ku yimid wejiga saddexaad ee wada-hadallada oo loo ballansanaa bishan dhexdeeda, maadaam uusan illaa hadda jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah.