SOOL xaggeed geysay? – Saameynta heesaha iyo guuxa doorashada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa 48 saac ee u dambeeyay sare u kacay xamaasada ololaha doorashooyinka Somaliland, ayada oo ay iska soo daba dhacayeen heeso lagu dhaliilayo maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Heesahan oo badankood ay qaadeen fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska, oo ay si weyn isku seegeen maamulka Biixi, ayaa waxay si qayaxan ula hadlaysaa madaxweynaha markale u tartamaya in la doorto.

Heestan oo ay qaadeen hobollo kamid ah koox-faneedka ugu caansan deegaanada Soomaalida ee Xiddigaha Geeska ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilaysa inuu dagaalkii Sool ku fashilmay, midnimadii Somaliland uu dhantaalay.

Bal aynu isdul taano waxaa ereyado kamid ah luuqda heestan oo odhaneysa “Doorkii horaan siganay, oo sahan la’aan guurnay, maantana ku socon meyno, Soomaaliland baa leh. Sowtaan kuu dhiibnay, qaran saanad iyo xoog leh oo suga xuduuddisa, Somaliland oo dhan, dadku samo ku naalloodo, nabad iyo midnimo suuban.”

Sidoo kale waxay odhanayaan miraha heesta ugu kulul ee xaraarada u yeeshay ololaha doorashada Somaliland, “Seeskii cigaal taagay, Daahir iyo Siilaanyo sare beey u qaadeene, adigana sided yeeshay?. Sool bari xaggeed geysay. Saxanow difaac qaran waa sidee? Ma sideetan iyo boqol mayl, xadkii dib u soo baxbaa? Maya waa si kale! Ma saraakiishii iyo ciidankii oo jeel ku jira ii sacab tumaa?.”

Ereyadaas waa qayb kamid ah heesta saacadihii ugu dambeysay hareysay baraha bulshada Soomaalida, iyadoo abuurtay hadal hayn siyaasadeed oo murtiyeeysan.

Eedaha ay heestan sida weyn u baahday ay u saarineyso Biixi ayaa loo arkaa kuwa saameyn ku yeelan kara doorashada soo socota ee uu markale u tartamayo Muuse Biixi, maadaama ay yihiin eedo siyaasadeed oo culeyskooda leh.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in isla muddadaas 48-ka saac ah ay soo baxeen illaa saddex hees oo kale oo si cad u dhaliilaya maamulka Muuse Biixi, kuwaas oo shacabka ugu yeeraya inay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u codeeyaan.

Heesahaan ayaa badankooda waxay ka siman inay muujinayaan in lagu qaldamay xulashada xisbul-xaakimka Kulmiye, islamarkaana uusan oofin ballamihii uu qaaday, taas oo dhaawac weyn gaarsiin karta ololaha uu rabo in markale lagu doorto madaxweyne Biixi.

Si kastaba, heesaha ayaa xilligaan loo arkaa kuwo kaalin weyn ku leh wax kabedelka aragtida siyaasadeed ee Soomaalida, maadaama la aaminsan yahay inay tahay habka ugu habboon ee Soomaalida ay haatan ku gudbiso aragtiyaha kala duwan.