Soomaali badan oo laga masaafurinayo Turkiga

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegay inay dalkooda ka saarayaan in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti ah.

Dadkaan ayaa badankooda u dhashay dalka Suuriya, kuwaasi oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay Soomaalida ku jirto ee ay sharciyadii ka dhaceen, balse weli dalka gudihiisa sii jooga iyo kuwa ku soo galay hanaan sharci darro ah.

Ololahaan lagu aruurinayo dadka soo-galootiga ah ayaa sare u kacay tan iyo doorashadii dalkaasi kadib, ayada oo noqotay dareen xooggan shacab dhexdiisa ka jira, kaasi oo la dhayalsan karin.

Cabdulcaziiz Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay magaalada Ankara ayaa VOA uga warbixiyay arrintaan iyo culeyska Soomaalida kasoo wajahaya.

“Si guud ahaan inta uu waddanka inta uu doorashada ku jiray iyo intii ka dambeysay waxaa jirtay kaambayn ama olole dadka ajaanibka ah il gaar ah lagu eego, sababta oo ah waxay noqdeen qodobka 2-aad ee waqtigii ololaha doorashada marka dhaqaalaha laga tago,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin beegsi gaar ah oo dowladda Turkiga ku hayso Soomaalida, balse ay kala siman yihiin dadka kale ee ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi.

“Waqtiyada qaar waxaa dhici karta in qofkii oo dalka hanti ku leh lasiiyo rejected, maadaama aan il gooni ah lagu eegin dadka hantida ku leh dalka ee ajaanibta ah iyo kuwa kale. Laakiin waxaa odhan karnaa sharciga waa loo wada siman yahay oo qofkasta shuruuc ayaa laga rabaa haddii ay soo dhameystiraan wey qaatan sharciga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Kiisaska u badan ee Turkiga waa qofka waddanka Turkiga bilaa sharci kusoo gala iyo qofka sharciga ka dhacay ee sii jooga waa isku mid. Qofka sharciga ka dhacay waxaa imaneysa in Booliska la tacaamulaan.”

Hoos ka dhageyso wareysiga