Soomaaliya dan ma ugu jirtaa isbaheysiga cusub ee Asmara?

Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerki iyo Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Asmara.

Bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa lagu sheegay in la isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya.

Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya.

Haddaba maxaa mideeyey saddexdan dal?

Dr. Cali Siciid Fiqi oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha diblomaasiyadda waxa uu qabaa in muhiimada kulanka ay la xiriirto “sidii looga hortagi lahaa damaca Abiy Axmed”.

“Labada dal waxay aaminsan yihiin dhibaatada gudaha ka haysato Abiy Axmed in uu u wareejinayo Soomaaliya ama Eritrea,” ayuu yiri.

Sidoo kale Soomaaliya waxay dooneysaa, sida uu sheegay, sidii ay uga hortagi laheyd in uusan dhicin “damac kasta oo Itoobiya ku dooneyso bad ay ka hesho dhulkeeda,” ayuu sii raaciyey.

“Soomaaliya waxay dooneyso waa in ay ka hortagto heshiiska isafgaradka iyo damaca itoobiya ay bad ku dooneyso.”

Dan ma ugu jirtaa Soomaaliya?

Dr. Cali Cabdi Baab waxa uu ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika, waxa uuna qabaa in Soomaaliya aysan wax dan ah ugu jirin shirkan saddax geesoodka ah.

“Soomaaliya dan muuqata oo ah mid dhaqaale ama mid amni oo ugu jirta heshiiskan nooma muuqato, Itoobiya waxay dhex joogtaa caloosha Soomaaliya, maamul goboleedyda qaar Itoobiya ayey heshiis la yihiin,” ayuu yiri.

Hadaba maxay tahay ujeedka ugu muhiimsan ay u shirayaan? Dr. Cali ayaa u arka in loo heshiinayo Itoobiya.

“Nuuxurka shirka waa iskaashi militari oo saddexda dal sameysteen ujeedkuna waa in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga milateri ee Eritareya ay qaybta ka tahay laga yaabo inuu ka caraysiiyo Jabuuti oo weli xurguf xagga xuduudda ah ay kala dhaxayso Eritrea.