Soomaaliya: halista hubka sharci darrada ah iyo jihooyinka uu ka soo galo dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, hubka sharci darrada ayaa Soomaaliya ka soo gala dhowr jiho oo ay ka mid tahay gacanka cadmeed.

Marka loo eego natiijooyinka sanadkii 2023-kii Global Organised Crime Index, Soomaaliya waxay martigelisaa mid ka mid ah suuqyada ugu baahsan ee ka ganacsiga hubka ee Afrika.

Tirada hubka sharci darrada ah ee dalka ku dhex wareegaysa oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa khafiifka ah ayaa ah mid aad u badan oo ay ku lug leeyihiin kooxaha dambiilayaasha ah ee kala duwan.

Marka laga soo tago maleeshiyo beeleedyada deegaanka iyo shabakadaha dambiilayaasha caalamiga ah, kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh al-Shabaab ama kooxda dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu lug leh suuqa, iyaga oo adeegsanaya hubka si ay u fuliyaan weeraradooda rabshadaha wata iyo ka ganacsiga noocyada kale ee ganacsiga. Sida ay sheegayso warbixinta Global Organised Crime Index.

Sida uu BBC-da u sheegay sarkaalka sirdoon oo hore – kana soo shqeeyay Puntland, hubka Soomaaliya ayaa dalka ku yimaado saddex qaab oo kala duwan kuwaas oo kala ah, sida uu sheegay mid dalalka dunidu ugu deeqaan dowladda Soomaaliya oo ku qalabaysan ciidamadeed, kan labad oo ah mid ka soo dagga xeebaha Soomaaliya iyo kan seddexaad oo ka yimaada dalalka soohdimaha dhulka la wadaaga Soomaaliya.

Wuxuu BBC-da u sheegay in hubka kaliya ee sifada sharciga ku yimaada dalka uu yahay midka dowladda dhexe la soo degto ama ay ka hesho saaxiibadeeda caalamigaa.

Hubka ka soo degga xeebaha ayuu BBC-da u sheegay sarkaalkan hore ee sirdoon inuu yahay midka ugu weyn ee hub sharci darro ah ee soo gala Soomaaliya kaas oo uu sheegay inuu ku yimaado qaab ka ganacsi ah.

“Waa kan ugu halista badan hubka kan tahriibinta kaga soo gala xeebaha, oo xoogiisu ka yimaado Yemen iyo wadamo kale” ayuu yiri sarkaalkan.

Axmed Cabdi Kooshin, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale agaasime guud ka soo noqday wasaaraddaha amniga iyo gaashaandhiga ee Soomaaliya, wuxuu BBC-da u sheegay in boqolkiiba sideetan wax ku dhow uu hubka sharci darradaa uu ka soo galo dhanka Yemen.

Xildhibaan Kooshin ayaa sarkaalkan ku raacsan in hubka ugu badan ee Soomaaliya ka soo gala dalka ugu badan uu yahay Yemen.

Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida ay kula dagaalamayaan dowladda Soomaaliya.

Hay’adda Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud.

Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Isha: BBC