Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta kala saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladdaha oomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca.

Saxiixa heshiiskan cusub oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yaşar Güler.

Heshiiskan oo ah mid iskaashi maaliyadeed ayaa waxaa diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa ujeedadiisu tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, kobcinta iskaashi faa’iido u leh labada dhinac, waxaana heshiiskan lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada dowladood.

Iyadoo heshiiskan lagu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Turkiga inay Soomaaliya ka taageeraan dib u soo kabashada iyo dadaallada horumarineed ee socda.

Iskaashigan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Soomaaliya oo sii xoojineysa dib u dhiska ciidankeenna, kadib sannado badan oo colaado iyo xasillooni darro ah.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga wuxuu bixin doonaa kaalmo dhaqaale oo loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee militariga Soomaaliya, taas oo kamid ah maalgelinta kaabayaasha muhiimka ah, ee lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, heshiiskan cusub ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo horumarinta difaaca, iyadoo dhawaan Muqdisho uu soo gaaray markabka baarista shidaalla Soomaaliya oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii horay u gaareen labada dhinac.