Soomaaliya, JABUUTI illaa Ciraaq – Sidee ayey kooxda Ansar Allah u ballaaraneysaa?

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Carabta ayaa dhawaan tabisay in Ciraaq ay isku dayayso inay xakameyso joogitaanka kooxda Ansar Allah, ee ku magaca dheer Xuutiyiinta ee gudaha dalkeeda. Kooxdan oo taageero ka hesha Iran, gacantana ku haysa waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa lagu soo warramayaa inay xubno ku tababarto gudaha Ciraaq, gaar ahaan xarumaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee magaalada Baqdaad.

Hase yeeshee, iyadoo Ciraaq ay isku dayeyso inay iska caabiso, Xuutiyiintu si aamusnaan leh ayay u sii ballaarinayaan joogitaankooda—markan gudaha Afrika, taas oo falanqeeyayaashu ku tilmaameen inay tahay tallaabo halis ah oo lama filaan ah.

Joogitaanka Xuutiyiinta ee Geeska Afrika oo sii xoogaysanaya

Sanadihii ugu dambeeyay, Xuutiyiintu waxay joogitaan xooggan ka samaysteen gobolka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan waddamada Jabuuti, Soomaaliya (ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland), Eritrea iyo Itoobiya.

Joogitaankooda gobolka ayaa u sahlaya inay u soo dhawaadaan Israel, oo ay weeraro ku hayaan, gaar ahaan dhinaca juqraafi ahaan, sidoo kalena waxay xoojineysaa awooddooda marin-biyood muhiim ah. Geeska Afrika wuxuu kaga beegan yahay dhinaca kale ee gacanka Cadan, isagoo ku teedsan xeebaha Badda Cas, taas oo Xuutiyiinta siinaysa awood muhiim ah oo ay ku carqaladeyn karaan marinnada maraakiibta iyo suurtagalka ah inay taageeraan Xamaas gudaha Gaza.

Mid ka mid ah arrimaha ugu walaaca badan ayaa ah wada-shaqaynta ka dhaxaysa Xuutiyiinta iyo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, sida kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo waliba xubno ka tirsan Dacaish. Warbixinnada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay kulamo la yeesheen wakiillo ka socda Xuutiyiinta gudaha Soomaaliya, iyagoo ka codsaday hub iyo tababarro.

Al-Shabaab ayaa beddelkeeda ballanqaaday inay xoojin doonaan weerarrada burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan, isla markaana weerarro ku qaadi doonaan maraakiibta ganacsiga, iyagoo sidoo kale carqaladayn doona xorriyadda marista badda. Kooxda ayaa sidoo kale ballanqaaday inay lacag madaxfurasho ah ka qaadan doonaan maraakiibta ay qabtaan.

Warbixinnadu waxay intaas ku darayaan in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab siiyeen tababar iyo hub ay ka mid yihiin diyaaradaha drones-ka iyo walxaha qarxa, kuwaas oo si qarsoodi ah loogu soo geliyay dekedaha koonfureed ee Soomaaliya. Khubarada ayaa xiriirka labada koox ku tilmaamay mid danaysi ku salaysan, kana fog fikir diimeed—laakiin qayb ka ah qorshe ballaaran oo Xuutiyiintu ay ka wadaan meel ka baxsan xuduudaha Yemen.

Qorista, faafinta fikirka iyo hub tahriibinta

Febraayo sanadkan, dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa soo bandhigtay marqaati-furka Cali Axmed Yaidi, oo ah muwaadin Eritrea ah kana tirsan qabiilka Cafar—oo ku kala nool waddamo badan oo Geeska Afrika ah.

Yaidi ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay samaysteen unugyo argagixiso oo la socda dhaqdhaqaaqa badda Cas, sidoo kalena ay dad ka qorayaan Jabuuti iyo Itoobiya oo labaduba aad ugu nugul xagjirnimada Islaamiga ah sababtoo ah xuduudahooda furan ee ay Soomaaliya la wadaagaan.

Sida Yaidi sheegay, nin ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Maxamed Cali Muusa ayaa kula kulmay gudaha Jabuuti, wuxuuna u diyaariyay isaga iyo sagaal qof oo kale inay doon ku tagaan dekedda Xudeyda ee Yemen. Halkaas waxaa kaga hortegay saddex nin oo midkood ahaa qof Cafar ah, kuwaas oo loo xil saaray isku dubaridka hawlgallada Xuutiyiinta ee gobolka.

Kooxda ayaa markii hore lagu hayay guri ku yaalla Xudeyda, ka dibna waxaa loo wareejiyay xarun kale oo xeebta ku taal, halkaas oo laba bilood lagu siinayay tababar diimeed oo ka dhan ah dowladda sharciga ah ee Yemen.

Intaas ka dib, waxaa loo wareejiyay guri qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Sanca, halkaas oo lagu xiray, waxaana loo oggolaan jiray inay bannaanka u soo baxaan oo keliya xilliyada cuntada iyo tababarka. Xuutiyiintu waxay isku dayeen inay ku khasbaan afkaartooda, iyagoo soo jeediyay in carruurta Cafarta loo soo diro Yemen si loogu “barbaariyo” fikir ahaan.

Yaidi ayaa ugu dambayn dib loogu celiyay Jabuuti, isagoo loo xil saaray inuu soo qoro xubno cusub. Waxaa loo ballanqaaday lacag dhan $500 qof walba oo uu soo qoro, iyo taageero dhaqaale iyo militari oo Iran ka timid, si qabiilka Cafarta looga gooyo Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea, sida ay Iran u taageerto Xisbullah gudaha Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta: Wakiil cusub oo Iran u qaabilsan Afrika?

Danny Citrinowicz, oo ka tirsan barnaamijka Iran ee xarunta INSS, horena madax uga ahaa qeybta Iran ee sirdoonka milatariga Israel, ayaa sheegay in Xuutiyiintu hadda yihiin wakiilka cusub ee Iran u qaabilsan Afrika.

Citrinowicz ayaa xusay in bartilmaameedkooda istiraatiijiga ahi yahay Geeska Afrika, laakiin sidoo kale ay muujiyeen xiiso ku saabsan waqooyiga iyo koonfurta Afrika. “Xiriirka Xuutiyiinta iyo Afrika waa mid dabiici ah marka loo eego Iran, sidaas darteed waa hormuudka hawlgallada Iran ee Afrika,” ayuu yiri.

Waxaa uu ka digay in fiditaanka Xuutiyiinta loo arko halis guud oo soo foodsaartay danaha Israa’iil iyo reer Galbeedka, isla markaana aysan ku koobnayn Yemen oo keliya balse ay tahay arrin guud oo Afrika ka taagan.