Soomaaliya ma waxaa loo laaban doona Carta iyo Mbagathi mise waa la miirsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh diiday ku dhaqanka dastuurkii lagu doortay, dhinaca kalena uu wiiqay awooddii kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu ka dhigay mid uu isagu eryi karo, dhanka kalena uu hor istaagay inay maamullada doorasho qabsadaan, ayaa waxaa soo xoogeysanaya walaaca ku saabsan in dadka Soomaaliyeed ay kusii kala fogaan karaan dhabaha uu wax ku wado madaxweyne Xasan Sheekh.

Ku dhowaad 10 gobol oo kamid ah gobollada dalka ayaa waxaa ka aloosan dagaallo qabiil, la-dagaalankii argagixisada waa joogsaday, xukunkiina waxa uu gacanta u galay dad xoolo doon ah, midnimadiina waxaa laga doortay qabyaalad iyo inay dowladnimaddii dad gaar ah ay sheegtaan, waxaana abuurmay rejo beel dowladeed oo xoog leh.

Waxaa intaas dheer in aanay dadka Soomaaliyeed weligood dhab uga heshiinin colaadihii soo dhex-maray, balse taas bedelkeeda waxaa la isla qaatay markii Carta la isugu tegay sanadkii 2000, si dowladnimo loo gaaro in tabashooyinka kale aan lasoo faagin.

Buuggii yaraa ee ay Soomaalida ku wada joogtay waxaa haatan ku dhaqankiisa diidan madaxweyne Xasan Sheekh, dhamaan arrimahan oo lagu kabay musuqa ku baahay gudaha dowladda, xilalka lagu tixay dadka aan u qalmin iyo madaxweynihii oo dhinac iskaga riixay inuu dooddo ka galo caqabadahan muuqda, albaabadana kasoo xirtay saamileydii kale ee siyaasadda.

Waxay ku siinayaan arrimahan in loo baahan karo inay Soomaalida dib ugu laabato shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabto dalka dibaddiisa. Reer Puntland si weyn oo aan horey u dhicin 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayay haatan uga miirmeen dowladda federaalka ah.

Sidoo kale reer Koonfur Galbeed ayaa muujiyay masuug xoog leh oo ay ka qabaan dowladda federaalka. Dadka Gedo kasoo jeedana waxay tirsanayaan in dowladnimadii Soomaaliya lagu qadiyay. Somaliland waa kasii fogaatay halkii ay markii hore joogtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ahan nin hadda ku mashquulsan wax ka qabashada caqabadahaas waaweyn, waxaana madaxweynaha ka badin la’yahay qancinta dhowrka qof ee ku hareeraysan.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay madasha PDRS waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay wax ka beddelaan sida ay howsha ku wadaan oo aanay dalka iyo dadka markale ku qasbin in loo baahdo shirar dib u heshiisiin ah oo dalka dibaddiisa, sida magaalooyinka Carta iyo Mbagathi oo horey u marti-geliyay shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

Deni waxa uu intaas ku daray in haddii hab dhaqanka xukunka wax lag beddelo oo ay madaxda si miir leh u shaqeeyaan in laga baaqsan karo in loo baahdo shirar kale oo dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa.

Hadalka Saciid Deni ayaa ah fikrad ay dooddeedu maalmahan dhex taallay dadka Soomaaliyeed, waxaana u sabab ah rejo beelka laga qaaday xukunka madaxweyne Xasan Sheekh.