Soomaaliya oo faa’iido wayn ka heleysa iskaashiga cusub ee Malaysia

Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Malaysia ayaa faah-faahin ka bixiyay xiriirka labada dal, isaga oo soo bandhigay waxa ay Soomaalidu ka faa’iidayaan iskaashiga wadaagga ah ee dalalka Soomaaliya iyo Malaysia.

Danjire Cali Maxamed Abuukar oo ah safiirka ay Soomaaliya dhawaan u magacawday dalka Malaysia ayaa waxaa Isniintii si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga danjirinimo uga guddoomay Boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara.

Boqorka ayaa sheegay in bog cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ah uu u furmay labada dal. Waxaa kale oo uu intaa ku daray inay sameyn doonaan iskaashi wax wadaag ah.

Dhankiisa Danjire Cali Maxamed Abukar ayaa sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

“Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro

Safiirka cusub ayaa sidoo kale soo bandhigay faa’iidada ay Soomaaliya u leedahay iskaashi dhow oo ay la yeelato Malaysia, wuxuuna tilmaamay arrimaha mudnaanta la siinayo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.

Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwaadiniinta Soomaalida u tagaan arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taas oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia, sida lagu daabacay bogga Radio Muqdisho.