Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul weyn ka gaartay Itoobiya, kadib markii ay ku guuleysatay in laga saaro howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, kaas oo bilaaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka.
Wasiir Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xaqiijiyay in ciidanka Itoobiya aysan qayb ka noqondoonin howlgalka AUSSOM oo ka bilaabanaya dalka.
Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya gabi aan laga saarayo dalka dhammaadka sanadkan 2024, si loo soo afjaro joogitaankooda, muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah.
Jaamac ayaa sababta Itoobiya looga reebay howlgalka cusub ku sheegay inay la xiriirto xadgudubka ay kula kacday Soomaaliya kadib heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland.
“Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka, sababto ah Itoobiya waxay kusoo xadgudubtay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Howlgalka cusub ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kamid noqon doonaan dalalka kala ah Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Brundi, kuwaas oo sheegay inay u diyaarsanyhiin howlgalka Soomaaliya, waxaana booqashooyin kala duwan ku bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxaa jira codsiyo ay soo gudbisteen waddamada Masar iyo Eritrea, si ay qayb uga noqdaan howlgalka AUSSOM ee ka bilaabanaya dalka, balse weli codsigooda lama aqbalin, waxaana uu hoos yaallaa Guddiga Nabad iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika.
Tallaabadan ayaa haddii ka dhabeyso dowladda dhexe waxa ay dharbaaxo kulul ku noqon doontaa Itoobiya oo hadda ciidamo badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah uga howlgala gobollada Gedo, Baay, Bakool iyo qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.