Soomaaliya oo ka jawaabtay arrin shaki badan dhalisay oo la xiriirta Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal ay Soomaali badan shaki ka muujiyeen oo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan uu ku sheegay in marin badeed la siinayo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo kamid ah wafdiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa sheegay in marin badeed aysan aheyn wax ka baxsan ganacsi, isaggoo xaqiijiyay in ay macquul tahay in Itoobiya ganacsi ahaan usoo gaarto baddeena.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aanay Soomaaliya ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madax-baannida iyo qaranimada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan diidaneyn Soomaaliya in ganacsi ahaan looga faa’iideysto badda.

“Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed,” ayuu yiri wasiir Daa’uud oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi.”

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wejiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka, kaas oo kasoo hormaray waqtigii loo ballansanaa.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii (Fidan) uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay muhiin inay tahay in wajiga labaad uu deg-deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixineyso arrintaan, “Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey.”