Soomaaliya oo ku adkeysatay go’aanka Itoobiya looga reebayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneyso go’aankeeda ku aadan in ciidamada Itoobiya laga saaro gudaha Soomaaliya, sidoo kalena aysan kamid noqon howlgalka cusub ee beddalaya midka ATMIS.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysteen in ciidamada Itoobiya laga reebo howlgalka cusub ee AUSSOM, maadaama illaa iyo hadda aysan xukuumadda Addis Ababa ka laaban heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya go’aankeeda kama dambeysta ah, kana dhanka ah Itoobiya ay geyneyso kulmada looga hadlayo qorshaha cusub ee howlgalka AUSSOM oo haatan u socdo si dardar leh.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan booqashooyin ku bixiyay waddamada ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, marka laga reebo Itoobiya wuxuuna ka hadlay taageeradooda ku aadan howlgalka cusub ee ka bilaabanaya dalka.

Waddamada uu tegay madaxweynaha ayaa kala aha Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya oo dhammaan taageeray qorshaha dowladda federaalka ee ku aadan talaabada xigta ATMIS.

Horay ayay dowladda Soomaaliya u caddeysay in Itoobiya aanay ciidamadeeda sii joogi doonin dalka, haddii aanay ka laaban is-garadka ay la gashay maamulka Somaliland.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin oo ah la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Si kastaba, Itoobiya ayaa taageero ku waysay go’aankeeda la xiriira ku adkeysashada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay horraantii sanadkan wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi , kaas oo dhalisay xiisad xoogleh oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.