Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqon karta garoonka dagaalka ee dalalka isku eryanaya biyaha Webiga Nile.
Dowladda Itoobiya ayaa waayahan si weyn ugu dagaalamaysay in Soomaaliya lagu cadaadiyo inay joojiso tallaabada ay ku dooneyso in ciidanka Itoobiya ka wada baxaan guud ahaan dalka daba-yaqaadda bisha December ee sanadkan.
Waxaase hadda dhinaca kale timid inay Masar aqbashay inay kamid noqoto dalalka ciidamada usoo diraya Soomaaliya, halkaas oo 2025 uu ka bilaaban doono howl-gal cusub oo Midowga Afrika.
Bisha Janaayo 2025 waxaa la daah-furayaa howl-galkii saddexaad oo Midowga Afrika uu ka sameeyo Soomaaliya kadib AMISOM iyo ATMIS. Howl-galkan cusub waxaa loo bixiyay AUSSOM, sida ay 7-dii bishan xaqiijiyeen golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika.
Durba laba waddan ayaa aqbalay inay howl-galkan ciidan cusub ku biiriyaan, waana Masar iyo Jabuuti.
Imaatinka ciidan ka socda waddanka Masar ee gudaha Soomaaliya keliya ma noqon doonto mowduuc ku eeg Soomaalida ama ciidan nabad ilaalin ah oo dal loo diray, balse waxaa ku xardhan loolan siyaasadeed oo Qaahira iyo Addis Ababa ka dhaxeeya.
Itoobiya waxay haatan jiifta caloosha Soomaaliya, waxaana ciidan ka jooga illaa lix gobol oo kamid ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1960-kii. Tan iyo 1996 ciidanka Itoobiya ayaa si sharci darro ah marba qeyb uga soo galay Soomaaliya, taas oo sii xoojisay naceybka ay Soomaali badan u qabaan Itoobiya.
Go’aanka ay Masar ku aqbashay inay ciidan usoo dirto Soomaaliya ayuu ka mahad-celiyay golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika, laakiin dadka siyaasadda gobolka ka faallooda ayaa su’aal culus dul dhigaya imaatinka ciidanka Masar ee gudaha Soomaaliya, xilliga ay kusoo aadeysa oo ah waqti ay xiisadi dhex taallo Soomaaliya iyo Itoobiya, Masar iyo Itoobiya iyo sida ay noqon doonto fal-celinta qarsoon ee ka imaan karta dhanka dowladda Itoobiya.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa xasuusinaya Soomaaliya foojignaan xoog leh oo u badan mid sirdoon iyo mid bulsho, sababtana waa inay jiraan dad ka walaacsan inay abuurmi karto furin qarsoon.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an sida muuqata inay qaado tallaabo walba oo ay ku difaaceyso dhulkeeda, laakiin ma jiraan wax diidaya in tallaabooyinka qaar aad loo akhriyo oo aan xamaasad lagu darin, loona diyaar-garoobo go’aanka ah inay Itoobiya baxdo Masar-na ay timaado.
Furintan marna waa faa’iido, marna fidno cusub ayay noqon kartaa oo ma sahlana in labo waddan oo milateri ahaan iyo sirdoon ahaanba sidaa u xooggan inay gudaha dalkaaga isku eryadaan.
Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh sida muuqata iyadu waxay xooga saareysa in howl-galkaan cusub dhaqan-gal noqdo, inay Itoobiya meel kusoo xirto iyo inay muujiso in ay ku filan tahay inay ilaaliso dhulka iyo badda Soomaaliyeed, taasina waa arrin muddan in lagu bogaadiyo, balse Soomaalidu waa inay indho intaan ka badan ku eegta marxaladan soo aadan.