DF Soomaaliya oo qorshe culus hordhigeysa QM iyo Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta qorshe culus oo ay dooneyso inay hordhigto Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo ku saabsan howlgalka cusub ee beddalaya ciidamada ATMIS.

Qorshaha dowladda ayaa aha inay QM iyo Midowga Afrika kala hadasho howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu wado inuu Soomaaliya ka bilowdo sanadka soo socda ee 2025-ka.

Sidoo kale waxaa haatan magaalada Muqdisho kusoo qulqulaya wufuud ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ujeedkoodu yahay in madaxda dowladda dhexe ay isla meel dhigaan howlgalka AUSSOM.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii laba jibaaray dadaalkiisa ku aadan howlgalkan cusub oo Masar lagu soo biirin doono, si ay u bedasho Itoobiya oo haatan ay si weyn isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa safaro kala duwan ku kula bixiyay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya oo uu madaxdoodu kala hadlay howlgalka cusub ee billaabanaya 2025.

Sidoo kale waxay dowladda Soomaaliya diiradda saartay sidii cadaadis xooggan loo saari lahaa Itoobiya oo ku adkeysatay heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland, ayada heshiiskaas darteed looga saari doono howlgalka baddelaya ATMIS.

Si kastaba, Muqdisho maalmaha soo socda waxa ay martigelin doontaa shirar xoogga lagu saarayo jiheynta howlgalka AUSSOM, iyo go’aanka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.