Soomaaliya oo hal shardi ku xirtay Itoobiya si ay ciidamadeeda u joogaan dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shuruud uga dhigtay Itoobiya inay ka laabato is-afgaradkii Somaliland ee badda, si ay ciidankeedu qeyb usii joogaan gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaan doonto inay qeyb ka noqoto howl-galka soo socda ee beddelaya ATMIS, haddii ay Itoobiya ka laabato is-afgaradka Somaliland oo xiisad xooggan ka dhex abuuray labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa si cad u sheegay in Itoobiya aanay ciidankeeda kamid noqon doonin howl-galka cusub ee ATMIS lagu baddelayo haddii ay diido inay dib uga laabato heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Xamza ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xad-gudubka Itoobiya, ayadoo hadda laga sugayo xukuumadda Addis Ababa inay ka laabato haddii ay diiddana ciidankeeda laga saarayo gudaha dalka.

“Haddii Itoobiya aysan ka noqon MOU-da (heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland) ciidankeeda kama mid ahaan doonnaan howl-galka soo socda, haddii ay sii joogaan magac kale ayay yeelan doonaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas ku daray “in haddii aanay ixtiraam u muujin midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya in aan Itoobiya laga aqbali doonin in ay kasii mid ahaadaan howl-galka Midowga Afrika ee fasaxa ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

Go’aanka dowladda federaalka ayaa imanaya xilli bisha soo socota ee September loo ballansan yahay in wajiga saddexaad ee wada-hadalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhaco dalka Turkiga, ayada oo uusan weli muuqan wax isku soo dhawaansho ah oo labada dhinaca.