Soomaaliya oo sheegtay inay taageerayso jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku goodisay inay qaadi doonto tallaabooyin ay ku sheegtay “kala gurasho” haddii ay Itoobiya sii wado far-galinteeda iyo ku xad-gudubka qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u haysato inay cilaaqaad la sameysato jabhadaha kasoo horjeeda Itoobiya haddii ay sii socoto fara-gelinta Addis Ababa.

“Annagu hadda Itoobiya bur-burkeeda dooni mayno oo wax dan ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika uguma jirto. Laakiin haddii ay kusii socdaan heshiisyada ay la galayaan kooxaha gooni-goosadka ah waa waddo noo furan in aan cilaaqaad la samaysano jabhadaha gooni-goosadka Itoobiya,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo.kale waxa uu wasiirka markale meel adag iska taagay damaca Itoobiyaanka, isaggoo sheegay in Itoobiya ay rabto dhul badeed ay qaadato ee aysan dooneyn deked, taasina ay ka suurta-galeyn Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Jabuuti ayaa laga siiyay deked leh kaabayaashii waddooyinka ahna meesha ugu dhow Itoobiya, laakiin Itoobiya uma socoto halkaas, waxay rabtaa dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed ee soo socda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Fiqi.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.

Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay bixineyso qiimo kasta oo uu ku kacayo difaaca dhulkeeda, iyada oo fagaareyaasha caalamka uga adkaatay Itoobiya, kadib markii ay tustay sida ay ugu tumatay shuruucda caalamiga, uguna xad-gudubtay qarannimada dal kale.