Soomaaliya: Qaranka uu xaalka ku xun yahay ee maalin walba xafladeynaya (6 qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa lagu jiraa toddobaadka xoriyadda. Muqdisho illaa Hargeysa xaflado ayaa taxan, qolo walba sida ay doonto ayay u sheegaysa halgankii dhalay in calan Soomaaliyeed laga taago ciida Soomaaliya 26-kii June 1960-kii.

Gobollada Waqooyi waa uga xaq badan yihiin Soomaalida kale maalinta la yiraahdo 26 June. Waxaase jira dad badan oo dood ka qaba dabaal-degga asbuucan, kuwaas oo aaminsan inay xafladahan ka muhiimsan tahay in la iska wareysto maxaa maanta hayna haddii ay ahaan laheyd midnimo, dowladnimo, walaalnimo iyo horumar.

Jabhaddo hubeysan ayaa cagta mariyay nidaamkii kaligii teliska ahaa ee Maxamed Siyaas Barre 1991-dii. Laakiin 33 sano kadib wax xafladdo ka badan ma jiraan iyo runta oo laga dhuunto.

64 sano kadib maalintii xoriyadda ee Soomaaliya, maanta kow amni ma jiro.

1: Amni la’aan

Soomaaliya weli waa soo kaban la’dahay, nidaamkii Siyaad Barre wax badanba ha qaldee dalka amni ayuu ahaa. Maanta dagaallo qabiil, kuwo argagixiso iyo ciidan shisheeye ayaa ku lifaaqan xaalka amni ee Soomaaliya.

17 sano oo ay ciidan Afrikaan ah ilaalinayeen ammaanka Soomaaliya waxaa dhawaan markale Midowga Afrika aqbalay inuu howlgal saddeexaad ka fuliyo Soomaaliya, taas oo ka dhigan in amnigii la hanan waayay.

2: Midnimo ma jirto

Burburkii dowladddi dhexe ee Soomaaliya ee 1991-dii kadib dadka waxay filayeen in deg-deg la iskugu soo noqon doono oo uu jiri doono dal Soomaaliyeed oo mideysan oo cadowgiisa u babac dhigi kara, laakiin 33 sano kadib dalkii waa la isku keeni la’yahay.

3: Isku filnaasho la’aan

Soomaaliya 9 sano oo colaad ah kadib waxaa sanadkii 2000 loo dhisay dowlad uu caalamka kaalmeeyo. 24 sano ayaa dowladda Soomaaliya waxay caalamka ku bixinayaan sanad walba malaayiin dollar oo lacag ah, haddana weli isku filnaasho majirto, qarankiina waa loo dawarsanaya weli, dadkiisuna kama doodayaan sidii ay taas uga bixi lahaayeen.

4: Dhulkii maqnaa oo weli go’aan lagama gaarin

Soomaaliya waxaa dad iyo dhulba ka jiraan dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. Lixdan iyo afar sano oo Soomaaliya xor tahay weli go’aan lagama gaarin qaddiyadahaasi waaweyn.

5: Dadka illaa hadda madaxdooda ma doortaan

Tan iyo 1969-kii oo aheyd markii milateriga xukunka xooggeen illaa maanta oo ah 55 sano dadka Soomaaliyeed ma doortaan madaxda hoggaamisa. Haddana rejo badan ma muuqato.

6: Qabyaaladdii oo xal loo la’yahay

Burburkii dowladda kacaanka kadib qabyaaladda ayaa meel xun la gaartay Soomaalida. Dowlad walba oo timaada Villa Somalia waa uga sii dartaa xaaladda, oo qeybta ayay sii qaladaa, maantana siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay hanaanka 4.5 oo u taagan inay qabiiladda kala sareeyaan.

Dalka xaaladdahaasi ku jira ayaa xafladeynaya, halkii laga dooddi lahaa xornimada kadib maxaa naga xumaaday iyo mushkiladaha na haysta maanta sidee u maareynaa.

Mushkiladahaas waaweyn ee taagan iyo soo kabasho la’aanta waxaa la isku raacsan yahay inay sababteedu tahay hoggaan xumo, wax badana isma doorin raggii madaxda ka noqday dalka tan iyo 1991, waana ku filnaan waayeen inay dalka hagaajiyaan.

Umaddii aan xaqiiqada u bareerin, xalka ma gaarto.