SSC-Khaatumo oo beenisay arrin ay shaacisay Somaliland – Maxay tahay?

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa beeniyay inuu wada-hadal kula jiro Somaliland ama uu la furayo, sida ay dhawaan shaacisay xukuumadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray arrintaasi, isaggoo sheegay in aysan wax wada-hadal la fureyn Somaliland.

Waxa uu si cad u sheegay in maamulkooda uusan hadda ku tala jirin in Somaliland lala furo wada-hadal la isku weydaarsanayo maxaabiis, sida ay warbaahinta u sheegtay Somaliland.

“Wax wada hadal ah kulamo jirno Somaliland, haddana kuma talo jirno, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin gooni u goosad ayaan u aqoonsanahay, maxaabiisna ma is dhaafsan karno,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle.

Sidoo kale wuxuu masuuliyiinta Somaliland ku eedeeyay inay ku howlan yihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku doonayaan in ay ku soo weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo.

Maamulka KMG ee hadda ka taliya magaalada Laascaanood ayaa gacanta ku haya maxaabiis ay ku qabteen dagaalladii u dhaxeeyay iyaga iyo Somaliland, kuwaasi oo iskugu jira askar iyo saraakiil ciidan.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallo hoose oo dhawaan ay shaacisay Somailand.