SSC-Khaatumo oo digniin culus kasoo saartay qorshe uu BIIXI u tegay SANAAG

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa digniin culus kasoo saartay safar maalmihii lasoo dhaafay uu madaxweynaha Somaliland uu ku marayay qeybo kamid ah Sanaag.

Bayaan uu soo saaray hoggaanka sare ee maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa socdaalka Muuse Biixi lagu sheegay inuu yahay mid daan-daasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo deegaanada maamulkooda.

“Maamulka Khaatumo waxa uu si buuxda ula socdaa dhaq-dhaqaaq kasta oo uu qaado horjoogaha Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Khaatumo ayaa sidoo kale caddeysay inay dooneyso xasiloonida gobolka, balse ay marwalba u diyaarsan tahay difaaca deegaanadeeda iyo iska dhicinta cid walba oo ku soo xad-gudubta.

“Maamulka wuxuu markasta u taagan yahay astaan nabadeed iyo xasillooni ka hanaqaadda Geeska Afrika, balse ciddii kusoo xad-gudubya deegaannadiisa waxay la kulmi doonaan jawaab culus.”

Khaatumo ayaa madaxda dowladda federaalka iyo beesha caalamka ku wargelisay colaad hurin ay sheegtay inuu ka shaqeynayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, taas oo reebi doonta cawaaqib xumo aan la mahdin.

Tan ayey sheegtay inuu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Biixi oo maamulka KMG ee Khaatumo uu ku tilmaamah “dagaal ooge”, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka sare.