Muqdisho (Caasimada Online) – Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in ergayga ugu horeyn baarlamaanka dalka uga mahad-celiyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.
Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu sheegay qoraal uu kulankaan kasoo saarya xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.
Marka laga imaado qoraalka uu kulankaan kasoo saaray xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya in kulankaan uu qeyb ka ahaa wixii shalay ka dhacay baarlamaanka iyo in uu golaha ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo.
Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ay ka horyimaadeen tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh uu xildhibaannada uga codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, islamarkaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha.
Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah.
Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka.