Taabit Cabdi oo war culus kaso saaray xiisadda taagan, runta u sheegay XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed oo war kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan dalka, gaar ahaan arrimaha duulimaadka oo ay ka timid caqabad xoogggan.

Taabid oo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yiri “Wuxuu diidanaa shalay ninka doonayow joog, dantaguud ha dhaawiciin”.

Sidoo kale wuxuu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud, isaga oo xasuusiyay in shalay uu ka dhiidhinayay in la siyaasadeedyo arrinta duulimaadka.

Taabid ayaa soo jeediyay in cid kasta oo ku xad-gudubta sharciga duulista hawada lala tiigsado maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Madaxweyne shalay adigaa xigan jiray in la illaaliyo sharciga shaqaalaha rayidka oo ka mamnuucaya shaqaalaha rayidka inay siyaasadda ku milmaan, maanta adigoo ah Madaxweynaha JFS in aflagaado isir-caayid ah uu ku kaco qof ka mid ah shaqaalaha rayidka waa wax aanan la aqbali karin, haddii sharciga lala tiigsanna waxay noqon doontaa gardarro garab og iyo dulmi raali laga yahay” ayuu yiri duqii hore ee magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka lasoo wariyay in saacado kooban la xayiray duulimaadyo diyaadeed oo ku socday Baydhaba, sababo la xiriira xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed, laakiin arrintaan waxaa beenisay hay’adda duulista.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Baydhaba aysan waxaba iska bedelin oo sidoodii ay ugu safraan magaaladaasi.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda.

Arrimahan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay Villa Somalia dadaal badan ku bixineyso sidii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen u iman lahaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex aloosan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hortago inuu ku furmo albaabka doorashada dadban, taas oo haddii ay dhacdo soo afjareysa aragtidii Xasan Sheekh ee doorasho qof iyo cod ah.