Taageerayaasha BIDEN oo quus taagan kadib qalad kale oo uu ku dhacay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa madaxweynaha Ukriane ku sheegay in uu yahay Vladimir Putin xilli quus taagan yihiin qaar kamid taageerayaashiisa.

Biden ayaa markaas doonayey inuu hadalka ku soo dhaweeyo dhiggiisa Ukriane, oo munaasabaddaasi ku sugna, waana qalad kale oo uu ku dhacay Biden xilli xasuustiisa sii daciifday.

Mr. Biden oo ka qayb-galayey shirka isbaheysiga NATO oo bar-barkiisana uu taagnaa madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelensky ayaa yiri “marwooyin iyo mudaneyaal waxaan hadda hadalka ku soo dhowaynayaa madaxweynaha Ukraine Putin”.

Isaga oo wax yar kadibna dib u soo laabtay si uu hadalkiisa u saxo magaca madaxweynaha uu qalday ee Volodymyr Zelenskyy.

Arrintan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in uu Biden ka hadho tartanka doorashada maaddaama uu yahay shakhi ay kala garashadiisu hoos u dhacday.

Hase ahaatee 81-jirkan afarta sano Mareykanka hoggaaminayey ayaa ku adkeysanaya in uu u tartamayo doorashada dhacaysa bisha November ee sanadkaan.

Maalmo kahor unbey aheyd markii uu madaxweyne Biden u xaqiijiyay Dimoqraadiyiinta Aqalka Koongareeska inuu diyaar u yahay dib u doorasho, maalmo yar kadib markii ay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigiisa ay wal-waleen bandhigiisii dooddii uu la galay madaxweynihi isaga ka horreeyay ee Donald Trump.