Taliska Xoogga oo lacag dul-saaray madaxa xubin kasta oo Shabaab ah + Sawirro

Al-Kowthar (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qof kasta oo soo dila xubin Al-Shabaab ah u balan qaaday in la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo doolarka Mareykanka ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo maanta gaaray degmada Al-Kowthar iyo deegaanka Daarunicma ee gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa hadalkaan ku dhawaaqay.

Saraakiil uu Taliye Dayax hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanadaas, kuwaas oo kormeer iyo gudbinta awaamiir culus u tegay Sh/Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hoggaamiyaasha Ciidanka deegaanka ee macawiisleyda.

Taliyaha ayaa khudbad dhiirigelin ah u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan aaga hore ee degmada Al-kowthar iyo deegaanka Daaru-nicma ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale Taliye Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balanqaad uu ka siday madaxda sare ee Dalka la wadaagay dhiiranayaasha dhaxanta u taagan difaaca qaranka.

Taliye Dayax ayaa ciidanka u sheegay in qof kasta oo soo disha dhagarqabe Khawaarij ah la gudoonsii doono lacag dhan 5 kun oo Doolar.

Sidoo kale wuxuu balan-qaaday in qofkii hub, gaadiid ama saanad kale kasoo furta Al-Shabaab ay dowladdu u qiimey doonto oo lacag loogu bedeli doono.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka kula dardaarmay in lasii laba jibaaro howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta.