Taliska xoogga oo war culus ka soo saaray dagaalkii Bariire ee maanta lagu dilay Taliyaha

Marka (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaal maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay xubno badan oo Shabaab ka tirsanaa, halka ayaguna ay dileen taliyihii ciidanka Gorgor ee deegaanka Bariire iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan Sh/Hoose ayaa sheegay in dagaalkii maanta looga guuleystay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ‘baqtigooda uu daadsan yahay’ goobihii lagu dagaalamay maanta.

Afhayeenka Xoogga ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee maleeshiyaadka dagaalkaas looga dilay Al-Shabaab, balse wuxuu faahfaahintiisa ku soo daray in horjoogayaal ay ku jireen, kuwaas oo hoggaaminayey duulaanka kooxda, laakiin ku baxay gacanta ciidanka Qaranka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkaas wuxuu saakay ka bilowday duleedka deegaanka Bariire, kadib markii ciidanka Gorgor oo ku sugnaa saldhig ay kala wareegeen ATMIS oo Bariire ku yaalla ay ka war-heleen in Shabaab duulaan ah ay ku soo wajahan yihiin.

Qorshaha Al-Shabaab wuxuu ahaa inay cagta mariyaan saldhigga, balse ciidanka oo ka warhelay duulaanka kooxda ayaa ka hortegay weerarkaas, waxaana duleedka Bariire ka qarxay dagaal bilowday saakay waaberigii oo soo gaaray maanta duhurkii.

Jab culus ayaa la gaarsiiyey Al-Shabaab, waxayna saraakiil la hadlay Caasimada Online noo sheegeen in meydkooda oo tira beel ah uu daadsan yahay howdkii lagu dagaalamay.

Ciidanka Gorgor ee xoogga dalka khasaare badan ayaa ka soo gaaray dagaalkaas, waxaana ku dhintay taliyihii ugu sareeyey militeriga ku sugan Bariire oo lagu magacaabi jiray Cabdisalaan Jaamac iyo askar kale.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in geesiyaashii Shahiiday maanta ay xaqiijiyeen mid kamid ah labadii hadaf ee qofka Soomaaliga ah ku waajibay, kuwaas oo kala ah in Shabaab la dilo ama ay ku dilaan.

Afhayeen Sheekh Abuukar ayaa sheegay in labadaas wax ka dhexeeya aysan u fureyn maanta dadka Soomaaliyeed, si gaar ah ciidamada qaranka ee hubka u qaatay inay dadka ka xoreeyaan argagixisada.

Hoos ka daawo