Taliyaha Booliska oo talaabo cusub qaaday kadib qaraxyadii looga hortegay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin iyo saraakiil  uu hogaaminayo ayaa galabta kormeer ku tagay deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo saakay lagu fashiliyey qaraxyo waaweyn.

Mudooyinkii dambe Ciidamada ammaanka ayaa aagga deegaankaas ka waday howlgalo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda Muqdisho iyo deegannada ku teedsan oo bartilmaameed u ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa saraakiisha hogaamineysa Ciidamada amniga ku dhiirigeliyay in la dardargeliyo sugidda amniga, iyo inay sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Taliyaha oo ay kormeerkaan ku wehliyeen guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose, taliyaha qeybta guud ee booliska Banaadir, Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad iyo saraakiisha qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho ayaa ku bogaadiyey ciidanka ku sugan aaggaas naf hurnimada ay sameeyeen.

Dhinaca kale, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka amniga ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas.

Ugu yaraan afar askari iyo labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxaas, ciidamada geeriyooday ayaa ku guuleystay inay dadka ka badbaadiyaan dhagartii argagixisada, balse intii ay ku jireen howlgalkaas naf-hurnimada ah ayey ku shahiideen halkaas.