Taliye ASAD Diyaano oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Iskuul Buluusiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa xalay qaaday tallaabo culus, kadib qaraxiii is-miidaaminta ahaa ee ay Khamiistii Al-Shabaab ku qaadeen Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho.

Taliye Diyaano oo xalay ka baxay xafiiskiisa ayaa kormeer u kuur-gelid ah ku tegay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, si uu u qiimeeyo xaaladda amnigga.

Asad Diyaano ayaa si gaar ah u booqday xarumaha ciidamada iyo sidoo kale saldhiggyada booliiska ee ku yaalla degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in ujeedka taliyaha u ahaa inuu qiimeeyo shaqooyinka ay bulshada u hayaan saldhigyada.

“Ujeedka kormeerka Taliyaha ayaa ahaa in uu si dhow ugu kuurgalo howlaha ay saldhigyadu u hayaan bulshada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka shaqooyinka amniga iyo in adeegyada boliisku si hufan ugu qabsoomayaan bulshada degaanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa boggaadiyay shaqada ciidamada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga caasimada.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, kadib weerarkii ay Al-Shabaab la beegsadeen Iskuul Buluusiyo, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ku dhow 10, kadib markii nin isku soo xiray walxaha qaraxa oo beegsaday maqaayad ku taalla afaafka hore ee xarunta taliska ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho.