TCC oo soo jeediyey in ay Soomaaliya u baahan tahay 8,000 oo askar dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u baahan 8,000 oo askari oo dheeraad ah, xilli ay Burundi qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen saraakiisha militariga waddamada ciidamada geeya Soomaaliya ee loo yaqaan TCC, Jimcihii.

Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa loo xil saaray la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo weerarradeedu ay dhalinayaan cabsi laga qabo in kooxaha jihaad-doonka ah ay dib ugu soo xoogaystaan Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka la qorsheeyay ee Burundi — oo ilo diblomaasiyadeed ay u sheegeen AFP inuu ka dhashay muran kala dhexeeya dowladda Soomaaliya oo la xiriira qalabka ciidamada Burundi — ayaa howlgalka ka jaraya ku dhowaad shan meelood meel (1/5) oo ka mid ah tirada guud ee ciidamada hadda jooga.

Wakiillo ka socda Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa toddobaadkan kulan seddex maalmood socday ku yeeshay Uganda, si ay uga wadahadlaan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka howlgalka AUSSOM.

Bayaan laga soo saaray kulankaas ayaa lagu sheegay in yaraanta ciidanku ay abuurtay firaaqyo amni oo sababay “in Al-Shabaab dib ula wareegto deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.”

“Sidaas darteed, magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho waxay wajahayaan khatar soo food leh oo kaga imaanaysa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaaleysay kacdoonka kooxda Al-Shabaab, inkastoo dagaalka adag ee ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya nabad-ilaaliyaasha Midowga Afrika la galeen sannadihii 2022 iyo 2023 uu kooxdaasi ku qasbay inay dib u gurato.

Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib usoo xoogsashada Al-Shabaab, iyadoo dagaalyahannada kooxdaasi ay bishii Maarso isku dayeen inay weerar ku qaadaan kolonyada gaadiidka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayey caasimadda Muqdisho.

– ‘Ixtiraam la’aan’ –

Wakiillada amniga ayaa soo jeediyay “in la kordhiyo 8,000 oo askari oo lagu daro AUSSOM si wax looga qabto xaaladda amni ee hadda taagan, loogana hortago in la waayo guulihii adkaa ee la gaaray.”

Howlgalka AUSSOM, oo beddelay kii hore ee ATMIS, ayaa haatan leh 11,146 askari.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ciidamada Burundi la saaro iyada oo aan la helin ciidan beddeli kara, “waxay sii ballaarin doontaa firaaqi amni ee jira waxayna uga sii dari doontaa xaaladda horeyba u liidatay,” ayaa lagu xusay bayaanka.

Soomaaliya iyo Burundi ayaa muddo isku khilaafsanaa tirada ciidamada ay Burundi uga qeyb qaadaneyso howlgalka, iyadoo Muqdisho codsatay kaliya qiyaastii 1,000 askari, halka Burundi ay soo jeedisay inay dirto 2,000 oo askari.

Diblomaasi Afrikaan ah oo la hadlay AFP isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Soomaaliya “ay aaminsan tahay in Burundi aysan si buuxda u qalabeyn karin tiro intaas le’eg oo askar ah.”

“Dowladdeennu waxay u aragtay dalabka Soomaaliya inuu yahay ixtiraam-darro iyo yareyn lagu sameeyay dadaallada Burundi ee lagu doonayay in Soomaaliya nabad lagu soo celiyo,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Burundi oo sidoo kale codsaday inaan magaciisa la shaacin, una warramay AFP.

War-saxaafadeed uu Midowga Afrika soo saaray 15-kii April, oo ay aragtay AFP, ayaa amray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya inuu fududeeyo bixitaanka ciidamada Burundi.

Wakiilladu waxay sidoo kale ka hadleen caqabadaha dhaqaale ee culus ee haysta howlgalka, iyagoo ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah inay wax ka qabtaan baahida dhaqaale ee ah $96 milyan oo lagu daboolayo deynta ATMIS iyo $60 milyan oo loo baahan yahay si loo bixiyo kharashaadka afar bilood ee AUSSOM — howlgalkaas oo shaqadiisa bilaabay bishii Janaayo.