Tirada dadkii gaajada isugu dilay KENYA oo dhaaftay 300

Nairobi (Caasimada Online) – Tirada dadka macluusha isku dilay ee Kenya ayaa kor u dhaaftay 300 Talaadadii ka dib markii ay mas’uuliyiintu kasoo saareen meydad horleh meel kayn ah, taas oo ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee la xiriira cibaadada ee taariikhda dhaw.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen kaniisada Good News International Church, oo uu hoggaamiyo Paul Mackenzie, kaasoo lagu eedeeyay inuu xertiisa ku amray inay naftooda iyo carruurtooda gaajo isu dilaan, si ay jannada u galaan ka hor dhammaadka adduunka.

Wadarta dhimashada ayaa hadda gaartay 303 qof kadib markii 19 mayd laga soo saaray xabaalo wadareedyo ku yaalla keynta Shakahola ee koonfur-bari ee dalkaas.

In ka badan 600 oo qof ayaa weli lagu soo waramayaa in la la’yahay, sida ay sheegtay mas’uul ka tirsan gobolka Rhoda Onyancha.

Baarayaasha todobaadkii hore waxay balaadhiyeen baaritaankooda si ay u daboolaan aag ballaaran oo gobolka ah si ay isugu dayaan in ay ku xisaabtamaan dhibanayaal badan.

Ku dhawaad 65 qof oo taabacsan ninka isku magacaabay wadaadka ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay is dilaan Isniintii kadib markii ay diideen inay wax cunaan intii u dhaxaysay June 6 iyo June 10 intii ay ku sugnaayeen xarun samatabbixin ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki ayaa walaac ka muujiyay bishii hore in qaar ka mid ah xerta Mackenzie ee la badbaadiyay ay diideen cuntada. Mid ka mid ah ayaa dhintay, ayuu yiri.

Mackenzie ayaa bishii April isku dhiibay booliiska waxaana loo diiday inuu ku baxo damiin bishii hore.

VOA + Reuters.