TRUMP oo ku dhowaaqay madaxweyne ku-xigeenkiisa – Waa kuma shaqsiga uu xushay?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in J.D. Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan.

“Ka madaxweyne ku xigeen, J.D. wuxuu sii wadi doonaa inuu u dagaallamo dastuurkeenna, wuxuu garab istaagi doonaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Trump oo markale u ordaya xilka u sareeya Mareykanka.

Waxa uu intaas kusii daray “J.D Vance wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu kari karo si uu iiga caawiyo in aan Ameerika mar kale ka dhigto mid weyn.”

Vance, oo 39 jir ah, ayaa mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadkii 2016-kii marki uu Trump u tartamayay doorashadi uu ku guuleystay, wuxuu Vance kamid ahaa dadkii mucaaridksanaa, hase yeeshee wixii markaasi ka danbeeyay wuxuu kamid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump.

Waxyar kaddib marki uu Trump ku dhawaaqay in JD Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka socdo shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.

J.D. Vance ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu kamid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.

Wuxuu markii danbe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii. Isaga oo sannadki 2022-kii loo doortay mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka oo uu kasoo galay gobolka Ohio.