Donald TRUMP oo mar kale ka badbaaday isku-day dil – Sidee ayey wax u dhaceen?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa gelinki danbe ee Axaddii shalay ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaariji rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.

Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay juq u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kadibna ay rasaas ku fureen, ka hor inta uusan cararin.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ninka falkan looga shakisanyahay uu goobta uga tagay qori nuuca daran-doorriga u dhaca iyo qalab kale, ka hor inta uusan ku cararin baabuur uu watay. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in Trump uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

Waa isku-daygi labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.

Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee dhici doonta 5-ta bisha November ee soo socota ayaa isna qoraal kooban uu soo saaray ku sheegay in uu badqabo oo uu wanaagsan yahay.

Warbaahinta Mareykanka gaar ahaan The Associated Press, The New York Times iyo Fox News ayaa ku warrantay, in saraakiil ka tirsan kuwa amniga Mareykanka ay ka soo xigteen magaca ninka looga shakisan yahay isku-dayga dil, kaas oo lagu sheegay Ryan Wesley Routh oo ah 58 jir ah kasoo jeeda gobolka Hawaii.

Booliska ayaa sheegay in ninka tuhunsanaha ah laga soo qabtay jidka I-95 meel qiyaasti 65km u jirto beerta golf-ka Donald Trump. Ciidanka degmada Martin County ee gobolka Florida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kadib marki wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Laanta Danbi-baarista Gudaha Mareykanka ee loo soo gaabdhso FBI ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan ku aadan isku-dayga labaad ee lagu khaariji rabay Donald Trump.