Turkiga oo bilaabaya qorshe cusub kadib fashilka wada-hadaladda Somalia iyo Ethiopia

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa bilaabeysa qorshe cusub oo ay ku wajaheyso wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo xiisadda ka dhex aloosan labada dal tan iyo horraantii sanadkaan.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu si kala gaar ah ula kulmo madaxda Soomaalida iyo Itoobiya, kadib markii ay fashilmeen wareeggii 3-aad ee wada-hadallada labada dal oo qorshuhu ahaa in Talaadaddii lasoo dhafay ay ka furmaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hakan Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu ayaa xaqiijiyay qorshahaan, isaggoo sheegay in Turkiga uu dadaal ku bixinayo sidii uu labada dhinac isugu soo jiidi lahaa, kahor inta aan dhinacyada la isugu keenin si fool ka fool ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale markaas muujiyay rejo wanaag in dhinacyada ay xal gaaran, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay casharo ka barteen labadii wareeg ee hore ee wada-hadallada, taasna ay dhabaha u xaari doonto xal u helista xiisadda taagan.

“Intii aan isla dhinacyadii halkan u keeni lahayn wada-hadallo toos ah, kolayba si toos ah uma kulmi lahayn oo anaga ayey nala kulmi lahaayeen, waxaa ujeedku yahay in aan la sameyno xiriir mid mid ah, si ay isula meel-dhigaan mowqifyada, kadibna isu keenno dhinacyada marka ay mowqifyadooda meel isugu yimaadaan,” ayuu yiri Wasiir Fidan.

Turkiga ayaa illaa hadda marti-geliyay laba wareeg oo wada-hadallo oo dhex-maray labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayada oo isku dayeysa inay hagaajiso xiriirkooda.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xummaaday bishii Janaayo, markii Itoobiya ay Somaliland la gashay heshiis ay uga kireysaneyso dhul badeed dhan 20 km, ugana beddelato inay aqoonsaneyso.