Turkiga oo maraakiib dagaal usoo diraya Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa haatan qaadeysa tallaabadii ugu horreysay ee ku aadan dhaqan-gelinta heshiiska ay la gashay dowladda federaalka, waxaana xukuumadda Ankara ay soo direysaa maraakiibta dagaal oo la filayo inay dhowaan soo gaaraan xeebaha dalka.

Qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkga ayaa ku warramay in xukuumadda Ankara ay qorsheyneysa in ay xeebaha Soomaaliya ay u dirto markiib dagaal oo ay leeyihiin ciidanka badda, kawaas oo maalmaha soo socda soo gaari doono Soomaaliya.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markab ka socda dalkooda oo ka shaqeynaa howlaha sahanka iyo cilmi-baarista tamarta oo lagu wado in bisha soo socota uu soo gaaro biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar, ayaa dhankiisa todobaadkii hore sheegay in Turkiga uu ruqsad u heysto in uu shidaal ka soo saaro saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, mid kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada badda Turkiga ay si taxadar leh u ilaalin doonaan markabka ka shaqeynaya cilmi baarista , maadaama uu ka howlgeli doono badweynta furan.

“Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya,” ayuu horay u yiri wasiir Alparslan Bayrakta

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda ah iyo sidoo kale inay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ilaha tamarta ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda Soomaaliya, waxayna arrintan kusoo aadeysa, xilli ay halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee iyana ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy iyo Muuse Biixi.