Ugaaska beesha Murusade oo geeriyooday iyo Xasan Sheekh oo war kasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa maanta ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Ugaas Cabdullaahi Faracadde oo ahaa Ugaaska Beesha Murusade ayaa door weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska, waxaana geerida Ugaaska war kasoo saaray madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.

Madaxweynaha ayaa xusay kaalinta mugga leh ee uu Ugaas Cabdullaahi, ka qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorkii uu Ugaasku ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo maanta ku geeriyooday magaalada Barakeysan Ee Makka Al-Mukarramah. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa tacsiyadeeyey geerida ku timid Ugaas Cabdullaahi Faracadde.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa iyo dhaqanka Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ee facaweyn, muddo dheerna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliyeed.”

Marxuumka ayuu Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.