Ujeedo qarsoon oo Jabuuti ka laheyd yaboohi Itoobiya ee dekedda oo banaanka yimid

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti oo dhawaan u yaboohday Itoobiya inay si toos ah ula wareegto dekedda Tadjoura, si xal looga gaaro xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib uga laabatay, iyada oo banaanka usoo baxay qorshe qarsoon oo ay ka laheyd arrintaasi.

Jabuuti ayaa sii deysay hadal ay ku sheegtay in aysan ka wadin in Itoobiya ay siinayso deked ee ay ula jeeday in suuqa dekedda Tadjoura kor loo qaado, islamarkaana ay isticmaalan Itoobiyaanka si aysan u waayin macaamiishooda u weyn ee Itoobiya.

Itoobiyaanka ayaa hadda ku tiirsan ganacsi ahaan dekedda Jabuuti, oo ay wax kala soo dagaan, waxayna dowladda Jabuuti uga dan laheyd inay sii xajisato Itoobiyaanka, si aysan ugu guurin Somaliland iyo Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu hadalkiisu ahaa in Itoobiyaanka usoo bandhigayeen in ay wada maamulaan waxna kala degto dekeddaasi, taas oo ka fog hadalkii uu horey usii daayay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd in ay haystaan macamiishooda u weyn ee Itoobiya, si aanay ugu guurin Somaliland iyo Eritrea, isaggoo meesha ka saaray in dhawaaqooddii hore uu ahaa in dekedda Tadjoura ay siinayaan Itoobiyaanka.

Itoobiya ayaa wax jawaab ah ka bixin tan iyo markii uu soo baxay yabooha Jabuuti, waxaana muuqata in Itoobiyaanka ay ku baraarugsanayeen qorshaha qarsoon ee Jabuuti ka laheyd tallaabadaasi, kaas oo ugu dambeyn ay banaanka keentay.

Itoobiyaanka ayaa iyagu raba deked aan kiro aheyn oo ay milkiyaan, waana midda illaa maanta ay ugu dhagan yihiin is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee Somaliland, kaas oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya ayaa muddo fog soo jiray, waxaana heshiiska Abiy la galay Muuse Biixi muujinaya sida ay Itoobiyaanka uga go’an tahay inay helaan bad, taas oo haddii ay kusii madax adeygaan sababi karta dagaal gacan hadal ah oo dhex-mara labada dal.