UK oo ku dhawaaqday dhaqaale cusub oo ciidanka Soomaaliya ay siinayso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taasi oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Lacagtan cusub ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh, mar ay booqasho ku timid Soomaaliya todobaadkii hore, sida lagu sheegay bayaan soo baxay dowladda UK.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya wuxuu muhiim u yahay sidii xasilooni iyo amni loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya iyo gobolka,” ayey tiri Dame Sarah.

Waxay intaas kusii dartay “UK waxay sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib looga soo qabsado ee dalka.”

Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya “si ay u hesho Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.”

Bayaanka UK ayaa sidoo kale tilmaamay in “iskaashiga u dhexeeya UK iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta ayaa Soomaaliya u horseedaya mustaqbal wanaagsan.”

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale dhanka kale ay ku howlan tahay dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.