Video: Gudoomiyihii Xamar Weyne oo la sii daayey iyo hadal culus oo uu jeediyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg oo dhowaan shaqada laga joojiyey, lana xiray ayaa la sii daayey.

Sii deynta Cumar Shariif Jeeg ayaa waxaa xaqiijiyay xubno ka mid ah qoyskiisa, waxana qoyska Cumar Shariif ay ku tilmaameen xariggiisa inuu ahaa shirqool.

Lama oga in damaanad lagu sii daayay iyo in dambiyadii lagu eedeeyay inuu galay  lagu waayay.

Sii deynta Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne ayaa waxa xaqiijiyey ehelkiisa oo sheegay in gacantii Caddowga uu kasoo baxay sida ay sheegeen, waxayna intaas ku dareen si gardarro ah loo shirqoolay, laguna xiray markii uu xaqiiqada sheegay.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey guddoomiye Cumar Shariif oo ku dhex jira odayaal iyo dad ehelkiisa ah, iyadoo ay ka muuqato duruuftii xabsiga, waxayna arrintan ka danbeysay olole weyn oo ay galeen beeshiisa iyo dad kala duwan.

Guddoomiyaha la sii daayey ayaa isna hadlay oo sheegay in xarigiisa uu ahaa shirqool, wuxuuna u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed iyo inta ka qeyb qaadatay sii deyntiisa, isagoo sheegay inuu dalku leeyahay madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare caadil ah.

Wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa 5-tii bishaan September waxaa shaqada looga joojiyay gudoomiyihii degmada Xamar, waxaana Gudoomiyaha lagu xiray xarunta Dambi baarista CID-da .

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com