Video: Xaaska Obama oo ka masayrtay ra’iisul wasaaraha Denmark arrin yaab lehna ka sameysay tacsidii Mandela

masayr 1Johannesburg (Caasimada Online) – Xilli hogaamiyayaasha caalamka ay isugu soo urureen ka qeyb galka baroordiiq loo sameynayay madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela, ayaa warbaahinta qaar waxa ay si gaar ah diiradda u saareen dhacdo si la yaab leh uga dhacday goobta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, ayaa kaamirooyinka qabteen isaga oo qosol iyo waqti farxadeed la wadaagaya ra’iisul wasaaraha dalka Denmark haweeeneyda lagu magacaabo Helle Thorning-Schmidt oo dhinaciisa bidix fadhiday.

Waxaa sidoo kale la arkay xaaska Obama Michelle Obama oo iyana dhinaciisa midig fadhiday oo u muuqatay mid geeri go’an cidlo ah dhex fadhida, oo wejigeedana carro xooggan ay ka muuqatay, una ekeyd qof masayrsan.

Markii ay cabaar masayrsaneyd una adkeysan weyday baashaalka iyo waqtiga seygeeda uu la qaadanayey Helle Thorning-Schmidt ayay Mrs Obama waxay kasoo kacday kursigeeda, ayada oo soo fariisatay kii Obama, keedana u bedeshay isaga si ay u kala dhex gasho isaga iyo Helle Thorning-Schmidt.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineyna sawirro iyo video muujinaya dhacdadaas qosolka badan.

masayr 4masayr 2masayr 3