Waxaa sii xoogeysanaya baqdinta iyo walwalka ay shacabka Soomaalidu ka qabaan xad gudubka ciidamada Kenya ee deegaano kamid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Ciidamada Kenya ayaa si iskood ah u calaamadsanaya xariiqa lagu muransanyahay ee u dhaxeeya gobolada jubooyinka iyo gobolka Soomaalida waqooyi bari ama NFD.
“Muranka xagga xuduudaha ah ee ay wado Kenya waa arin ka qoto teer sida ay umuuqato, oo u baahan taxadar iyo feejignaan dheeri ah” waxaa sidaasi Hanoolaato u sheegay Xildhibaan C/Rashid Maxamed Xiddig oo kamid ah baarlamanka Soomaalida.
Lifaaqan hoose ka daawo wareysiga oo buuxa