VILLA SOMALIA oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisadda Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee haatan u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo madaxweyne Laftagareen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diray ergay cusub si uu ugu kala dab qaado isaga iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo wakiil ka ah madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, wuxuuna u tegay arrimo la xiriira sidii loo qaboojin lahaa xiisadda.

Shub oo ah sodoga madaxweyne Laftagareen ayaa inta uusan bixin kahor kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha oo ay ka wada-hadleen sidii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo keeni lahaa magaalada Muqdisho, kadibna loo dhammeyn lahaa xiisadda haatan taagan.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo aqbalay dalabka madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tegay Baydhaba, wuxuuna haatan wada-hadallo la leeyahy Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugu qanciyo inuu yimaado Muqdisho, ulana kulmo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonto safarka taliye Shub ee Baydhaba, waxaana ka horreeyay ra’iisul wasaaraha oo waji gabax kala soo kulmay maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka Villa Soomaaliya ayaa ah inay la qaboojiyo xiisadda, kadibna la qabto shirka golaha wadatashiga qaranka oo ay muhiim tahay inay kasoo qaybgasho Koonfur Galbeed, maadaama shirkaas iyo dhammaan kulamada kale ay isaga baxday Puntland.

Si kastaba, xiisadda Muqdisho iyo Baydhaba ayaa sii laba kacleysay kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hortimid qorshaha dowladda ee ku aadan arrimaha Itoobiya oo ay si weyn Soomaaliya isugu hayaan xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi.