Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin marin-habaab ah oo ku saabsan heshiiska batroolka iyo gaaska ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si weyn u qabsaday dareenka bulshada. Warbixintan ayaa waxaa daabacay Nordic Monitor, oo ah madal aan si weyn loo aqoon, taasoo ku doodday in “Turkigu qaadan doono 90% dakhliga batroolka Soomaaliya.”
Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta aan la aqbalin sheegashadan, waxa muhiim ah in la isweydiiyo: Waa ayoNordic Monitor, maxayse sababtay in si khaldan loo gudbiyo wararka ku saabsan Soomaaliya?
Waa ayo Nordic Monitor — maxayse tahay ujeeddadoodu?
Nordic Monitor ma aha warbaahin caalami ah oo sumcad iyo khibrad ku leh arrimaha Afrika. Waa madal yar oo fadhiggeedu yahay magaalada Stockholm ee Sweden. Waxaa maamula Abdullah Bozkurt, oo hore u ahaan jiray weriye Turkish ah, kana tirsan dadka taageersan dhaq-dhaqaaqa Fethullah Gülen — koox uu Turkigu u aqoonsaday urur argagixiso.
Madashan looma aas-aasin sidii xarun warbaahineed oo madax-bannaan, balse waxa ay qayb ka tahay olole ballaaran oo ka dhan ah dowladda Turkiga, taasoo salka ku haysa khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dhaq-dhaqaaqa Gülen.
Si kale haddii loo dhigo, warbixinnada Nordic Monitor ma ahan saxaafad madax-bannaan oo dhex-dhexaad ah — waa qayb ka mid ah dagaal siyaasadeed oo aan wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Sidee Nordic Monitor u marin-habaabisay heshiiska batroolka Soomaaliya iyo Turkiga?
Warbixinta Nordic Monitor ee ku saabsan heshiiska batroolka Soomaaliya waxa ay jabinaysaa xeerarka aas-aasiga ah ee saxaafadda lagu qiimeeyo. Sababaha ay arrintani u tahay warbixin aan lagu kalsoonaan karin waxaa ka mid ah:
- Lama xigan wax ilo rasmi ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, lamana siinin fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.
- Ma jirto wax khubaro ah oo aqoon u leh heshiisyada batroolka ama nidaamka qaybsashada wax-soo-saarka (Production Sharing Agreements) oo la waraystay.
- Warbixintu waxa ay si buuxda isaga indhatirtay heerarka caalamiga ah ee heshiisyada batroolka, gaar ahaan qaabka dib-u-kabashada kharashaadka (cost recovery) oo ay adeegsadaan dalal badan oo soo koraya.
- Qodobka lagu sheegay “90%” waxa si khaldan looga jaray macnaha guud ee heshiiska, iyadoo loo soo bandhigay sida in Turkigu si joogto ah u heli doono boqolkiiba 90 dakhliga iibka shidaalka — halka heshiisku si cad u qeexayo in Turkigu qaadanayo 90% illaa uu ka helo kharashkii ka galay sahminta iyo soo-saarka shidaalka.
Arrintani waxay muujinaysaa in la isku dayay marin-habaabinta xogta ama ay jirto faham la’aan buuxda oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan heshiisyada batroolka.
Dhaqan warar siyaasadeysan oo soo noqnoqda
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Nordic Monitor ay faafiso warar siyaasadeysan oo loo soo bandhigay sida warar madax-bannaan. Dib u eegis lagu sameeyay warbixinnadoodii hore waxa ay muujinaysaa:
- Inay si joogto ah u dhaawacayaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, gaar ahaan doorkiisa Afrika iyo Bariga Dhexe.
- Inay weerarayaan mashaariicda uu Turkigu taageero, iyadoon loo eegin nuxurka ama faa’iidada mashaariicdaas.
- Inay dhiirrigeliyaan aragti hal dhinac ah oo la jaanqaadaysa khilaafka siyaasadeed ee milkiilayaasha madasha.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska batroolka ee Soomaaliya waxa uu noqday fursaddii ugu dambeysay ee lagu sii wado ololahooda siyaasadeed.
Maxay Soomaaliya u mudan tahay in laga ilaaliyo dacaayadaha shisheeye?
Go’aannada la xiriira mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa khuseeya qandaraasyada kheyraadka dabiiciga ah, waa in lagu saleeyaa xaqiiqooyin, hufnaan, iyo dood cilmiyeed oo furan. Ma aha in la saameeyo go’aannadaas iyada oo lagu saleynayo khilaafaad siyaasadeed oo shisheeye ama warar marin-habaab ah.
Warbixin khaldan oo noocan ah waxa ay leedahay saameyn toos ah:
- Waxay marin-habaabinaysaa bulshada Soomaaliyeed.
- Waxay wiiqaysaa dadaallada sharciyeysan ee lagu horumarinayo waaxda tamarta ee dalka.
- Waxay ka dhigaysaa arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah kuwo lagu soo koobo cinwaanno qiiro leh oo aan sal lahayn, taasoo ka weecinaysa dooda dhab ah ee muhiimka ah.
Bulshada Soomaaliyeed waxa ay xaq u leedahay in la siiyo xog sax ah oo hufan — ma mudna dacaayad laga keeno khilaafaad dibadda ka socda.
Gunaanad: Iska hubi cidda sheegaysa warka, ma aha oo kaliya waxa la sheegayo
Ka hor inta aan la aaminsan ama la faafin sheegashooyin la buunbuuniyey sida “Turkigu waxa uu qaadanayaa 90% batroolka Soomaaliya,” waxa muhiim ah in la isweydiiyo:
- Yaa sheegaya arrintan?
- Maxay tahay waayo-aragnimadooda ku saabsan Soomaaliya ama arrimaha Afrika?
- Ma jiraan ilo la hubo oo ay xigteen?
- Ma sharraxayaan heerarka caalamiga ah ee warshadaha batroolka, sida qaabka dib-u-helidda kharashaadka iyo heshiisyada qaybinta wax-soo-saarka?
- Ma leeyihiin dano siyaasadeed ama ajande gaar ah?
Jawaabaha su’aalahan waxa ay si cad u muujinayaan ajandaha ka dambeeya iyo sida ay ugu yar tahay daacadnimo saxaafadeed warbixinnada Nordic Monitor.
Mustaqbalka kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxa uu u baahan yahay warbixinno ku saleysan xaqiiqooyin iyo cilmi baaris dhab ah — ma aha dacaayad siyaasadeysan.