Waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya ee beddelaya Gachagua la cayriyay?

Nairobi (Caasimada Online) – Baarlamaanka Kenya ayaa ugu dambeyn soo gaba-gabeeyay toddobaadyo mowjado siyaasadeed oo dalkaasi uu dhexda ka galay, kaas oo salka ku hayay khilaafka madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, iyada uu xilkii la waaday Gachagua.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo magacaabay ku-xigeenkiisa cusub, taas oo uu ogolaansho u siinay dastuurka dalkaasi, wuxuuna xilkaasi siiyay Prof Kithure Kindiki oo ah wasiirka arrimaha gudaha dalkaas.

Ninkaan iyo William Ruto ayaa ah saaxiibo dhanka siyaasadda ah weliba isaga dhow ninka lagu beddelay.

Baarlamaanka Kenya ayaa heysta muddo 60 maalmood ah in ay ku aqbalaan inkasta oo loo badinayo in xildhibaannadu u codeyn doonnaan maadaama uu dhanka madaxweyne William Ruto kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyn ah.

Ruto ayaa ku-xigeenkiisii hore waxa uu majaha u geliyay dabin siyaasadeed oo ah in uu musuq ama xatooyo uu sameeyay waana tan keentay in Rigathi Gachagua inuu ku waayo xilkiisa ka horna laga saaray baraha madaxtooyada gaarka u ah.

Haddaba, waa kuma madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Kenya?

Abraham Kithure Kindiki waa 52 jir ku dhashay Tharaka-Nithi County, waxbarashadiisa waxa uu wax kusoo kala bartay dalkiisa Hooyo ee Kenya iyo Koofur Afrika.

Sidoo kale waxa uu heystaa shahaadooyin kala duwan oo dhanka waxbarashadiisa ah.

Kithure, waxa uu siyaasadda soo galay sanadkii 2013kii kaddib markii uu ku guuleystay kursiga Senate-ka laga soo doorto, halka uu ku dhashay ee ah Tharaka-Nithi County.

Waxa uuna kaalin hagar la’aan ah kasoo qaatay ololihii doorashada madaxweynaha haatan magacaabay ee William Ruto.