Walaacii uu Sheikh Zayed ka qabay Mareykanka 40 sano ka hor (Dokumenti sirdoon)

London (Caasimada Online) – Dokumentiyo cusub oo laga helay Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday in Sheikh Zayed Bin Sultan Al Nahyan, aasaasaha iyo madaxweynihii hore ee Isutagga Imaaraadka Carabta, uu rumeysnaa in Mareykanku ka tegi doono xulafadiisa Carbeed haddii ay la kulmaan kacdoon shacab.

Sheikh Zayed iyo adeerkiis, Taliyaha Guud ee ciidanka, Sheikh Surour, ayaa walaacan la wadaagay xildhibaan Ingiriis ah oo lagu magacaabo Julian Amery, ku dhawaad 40 sano kahor. Sida ku cad diiwaannada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK oo ay heshay warbaahinta Middle East Monitor (MEMO) intii ay baareysay Kaydka Qaranka, labada hoggaamiye waxay shaki gelinayeen in Mareykanku dhab ahaantii garab istaago xulafadiisa.

Bishii May 1986-kii, Sheikh Zayed — oo loo aqoonsaday “ninka xikmadda badan ee Carabta” sababo la xiriira aragtidiisa fog iyo garaadkiisa siyaasadeed — ayaa ku casuumay Julian Amery magaalada Abu Dhabi. Amery, oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ah kana soo noqday Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda (1972–1974), waxa uu xiriir dhow la lahaa gobolka Bariga Dhexe.

Aabbihii, Leo Amery, oo isna ahaa xildhibaan, waxa uu ahaa difaace weyn oo gumeysigii Ingiriiska ah. Sidoo kale, Julian Amery waxa uu si adag uga soo horjeeday burburka gumeysiga Ingiriiska, wuxuuna ka tirsanaa kooxda backbench-ka ee Suez Group.

Kulankan waxa uu dhacay xilli uu Imaaraadka booqanayay Richard Murphy, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsanaa Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya. Intii lagu guda jiray kulankaas, Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay si cad u muujiyeen shakigooda ku saabsan diyaar u ahaanshaha Mareykanka ee difaaca waddamada Khaliijka.

Waxay si adag u dhaliileen maamulka madaxweyne Ronald Reagan oo ay ku eedeeyeen “inuu ku guul-darreystay” inuu Congress-ka ka helo oggolaansho ku saabsan “iibinta hubka ee waddamada Carbeed ee saaxiibka la ah Mareykanka.” Sida ay muujinayaan qoraallada Amery, labada hoggaamiye waxa ay guul-darrooyinkaas u arkayeen “tilmaam tabar-darro ah.”

Xilligaas, gobolka Khaliijka waxa uu la daalaa dhacayay cabsi ka dhalatay faafitaanka dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee bilowday 1980-kii. Waddamada Khaliijka badankood waxay taageereen Ciraaq, iyaga oo ka baqayay in colaaddaasi ku faafto guud ahaan gobolka.

Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay is weydiiyeen: “Haddii dagaalka Iran iyo Ciraaq uu dhab ahaantii ku faafo Khaliijka, ma tallaabo ayey qaadi doonaan maamulka Mareykanka si ay u difaacaan waddamada Khaliijka, sida ay ballan-qaadeen, mise Congress-ka iyo ra’yiga dadweynaha Mareykanka ayaa ka hor istaagi doona?”

Amery waxa uu sheegay in hadallada labada Sheikh ay caddeyn u ahaayeen “in hoos u dhaca kalsoonida lagu qabo Mareykanka” uu ahaa “tilmaanta ugu weyn ee xilligaas ka jirtay Imaaraadka.” Waxa uu intaas ku daray in kalsooni-darradu aysan si gaar ah ugu xirnayn taageerada Mareykanka ee Israa’iil, balse ay ka dhalatay dareen ah in maamulka Mareykanku uusan awood u lahayn in uu ka dhabeeyo siyaasadaha uu qaatay.

Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxa ay muujinayeen “xanuun xooggan” oo ka dhashay “aragti ah in Mareykanku aanu weligiis garab istaagin saaxiibadiisa,” sida uu qoray Amery. Si ay u muujiyaan doodooda, waxa ay tusaale u soo qaateen dhacdooyin taariikhi ah, sida ka bixitaankii Mareykanka ee taageeradii Shaah-ii Iran, Jean-Claude Duvalier ee Haiti, iyo Ferdinand Marcos ee Filibiin.

Labada hoggaamiye waxay xuseen in Washington ay ogolaatay in Mohammad Reza Pahlavi, Shaah-ii Iran, laga tuuro xukunka intii lagu jiray kacdoonkii 1979, inkasta oo uu ahaa xulafo dhow oo Mareykanku lahaa. Sidoo kale, Jean-Claude Duvalier oo muddo dheer ka talinayay Haiti isla markaana ahaa saaxiib Mareykan ah oo ka soo horjeeday shuuciyadda, ayaa xukunka laga tuuray horraantii 1986 kadib mudaharaadyo shacab oo ballaaran. Dhanka kale, Ferdinand Marcos oo ahaa kaligii taliye ka talinayay Filibiin iyo xulafo muhiim u ahaa Mareykanka gobolka Aasiya, ayaa xukunka laga tuuray intii lagu jiray kacdoon shacab oo nabadeed bishii Febraayo 1986.

Sheikh Zayed iyo Sheikh Surour waxay ku doodeen in inkasta oo hoggaamiyeyaashaasi, gaar ahaan Duvalier iyo Marcos, lagu eedeeyay maamul xumo, haddana ay muddo dheer ahaayeen xulafada dhow ee Mareykanka, isla markaana Washington ay si buuxda ula socotay falalkooda. Sidaas darteed, sumcadooda xumayd ma ahayn sabab Mareykanka ugu dhiirran waayay inuu si sharaf leh ula dhaqmo.

Waxay si toos ah u weydiiyeen: “Haddii saaxiibada Mareykanka sidaas loola dhaqmo, maxay faa’iido u leedahay in la noqdo saaxiibkooda?”

Amery, oo qoraal u diray ra’iisul wasaaraha Ingiriiska iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxa uu bixiyay falanqeyn ku saabsan maskaxda hoggaamiyeyaasha Imaaraadka. Waxa uu sheegay: “Arrintani waxay muujinaysaa sifo aad ugu badan hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe oo muhiimad weyn siiya xiriirrada shakhsi ahaaneed, isla markaana ka tixgeliya xiriirradaas mid aad uga sarreeya sida aan ugu aragno Reer Galbeed ahaan.”

Amery waxa uu tusaale u soo qaatay bixitaankii Ingiriiska ee gumeysiga Yemen (Aden) 1967. Kadib bixitaankaas, Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelisay hoggaamiyeyaashii hore ee Aden, taas oo uu Amery u arkay tallaabo muujinaysa daacadnimo ay si weyn u qiimeeyaan hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe. “Martiqaadkii Sacuudigu siiyay hoggaamiyeyaashii Aden ee aanu dayacnay waa tusaale cad,” ayuu qoray.

Sidoo kale, waxa uu xusay kiiskii Idi Amin, hoggaamiyihii kaligii taliye ka ahaa Uganda, kaas oo xukunka laga tuuray 1979 kadibna magan gelyo ka helay Liibiya iyo Sacuudiga, inkasta oo lagu eedeeyay xadgudubyo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah, oo ay ka mid yihiin dilal iyo jirdil ballaaran. Amin waxa uu ku noolaa qaxooti ahaan illaa uu geeriyooday 2003.

Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska Margaret Thatcher ayaa warbixintii Amery ku tilmaantay “mid xiiso leh oo xog badan bixisay.”