War cusub oo kasoo kordhay geerida Fanaanada Asma Saban

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay fanaanada Asma Xasan Ismaaciil oo ku caan ahayd Asma Saban oo ka mid ahayd faaniinta Xiddigaha Geeska ee ka dhisan Somaliland.

Sida uu sheegay abwaan Maxamed Siciid Cabdilaahi Xarago, marxuumadda ayaa shalay gelinkii denbe ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee caasimada ee maamulkaasi.

“Way caafimaad qabtay, wax xanuuna ahna ma qabin waa mowtul qafle ‘geeri deg deg ah’, waana u ducaynayaa haddaan nahay bahda xiddigaha geeska “ ayuu yiri abwaan Xarago.

Guddoomiyaha kooxda xiddigaha geeska Cabdiweli Ibraahim Furinle ayaa isguna BBC u sheegay in Asma ahayd mid ka mid ahayd xiddigaha kooxda.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timo Asma, kaalinteeda kooxda waxay ahayd heesaa, kaalin fiican yeyna kaga jirtay kooxda” ayuu yiri Furinle oo la hadlayay BBC da.

Dhinaca kale maqalka geerida ka dib baraha bulshada ee Soomaalida waxaa ku faafay war sheegaya in marxuumadu is dishay.

Ehellada marxuumadda ayaa dhankooda sheegay in warkaasi yahay mid been abuur ah, aysana qoyska garanayn ujeedka ay ka lahaayeen dadka ku faafiyay baraha bulshada.

“Wax alle iyo wax ka jiraa ma jirto warkaas, geerida iyo waqtiga qadarta ayaa u yimid” ayuu BBC da u sheegay aabaheed Xassan Ismaaciil Saban.

Ehelku waxay intaa ku dareen in iyaga oo ku mashquulsan geerida dhacday ay maqleen warka lagu baahiyey baraha bulshada.

Allaha u naxariistee geerida Asma Saban waxaa ka dhashay hadal hayn badan, waxaana tacsida geerida gabadhaan fanaanada aheyd ay si weyn u qabsatay baraha bulshada.