War cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga

Anakara (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay mar kale sii amba qaadaan wada-hadalladii uga socday dalka Turkiga ee horay u fashilmay.

War cusub oo soo  baxay ayaa sheegaya in labada dal ay mar kale sii bilaabayaan wada-hadalladooda, isla markaana 17-ka bishaan ay isugu tegayaan magaalada Anakara, waxaana dhex-dhexaadinaya Turkiga oo dadaal ku bixinayo sidii ay xal u gaari lahaayeen.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itooobiya ayaa lagu soo warramayaa inay sii tagayaan Turkiga, iyaga oo gogol xaar u ah wadahadalkan oo aan la fileyn inuu foolka ka fool noqdo.

Kulankan ayaa noqonayo kii saddexaad oo ka dhaca Ankara, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan ee hore ee ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan uu noqon doono midkii u dambeeyey, yada oo haddii lagu heshiin waayo ay dhici karto kala tag wayn iyo inay wadahadallada burburaan.

Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneya mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, halka weli Itoobiya ay dhankeeda ku adkeysaneyso go’aankeeda iyo dhaqan-gelinta heshiiskaas oo ay ka carootay dowladdu.

Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar.